Published:

Saaxiibka wanaagsani waxa uu qofka u leeyahay muhiimad ballaadhan iyada oo shareecada islaamku qofka muslimka ah ku boorisay in uu samaysto saaxiib wanaagsan oo ay xaqqa isku garabsadaan xumahana isaga gaashaantaan. Saaxiibka wanaagsani waxa uu nolosha mujtamacaadka islaamka ka yahay cunsur aad u muhiim ah waana ta keenta in waalid kastaa ilmihiisa kula dardaarmo in uu raaco saaxiibada wanaagsan oo uu ka dheeraado saaxiibada xun xun si aanay xumaantaasi saamayn xun ugu yeelan noloshiisa dambe. Doorashada saaxiibku ma aha arrin sahlan balse waa mid ku iman kara waafajinta Rabbi SWT iyada oo mar walba qofka looga baahan yahay in uu u mele dayo saaxiibtinimada iyo cidda uu la rafiiqayaa sida ay tahay. Saaxiibku ma aha mid ku kooban in uu wax weyn u yahay dadka yaryar balse xataa dadka waaweyni waxa ay u baahan yihiin saaxiibo wanaagsan oo ay isku nafisaan waxna isku qarsadaan isna kaalmaystaan wanaagga.
Saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu ku yeelan karo. Alle (SWT) waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ah ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. Halkaana waxa aad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leeyihiin saaxiibadu. Haddii ay saaxibadu noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo wanaag badan. Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeedha ama ku saaxiiba xumaan waxa ay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantii. Rasuulkeena (SCW) waxa uu inagu dhiirigeliyey in aan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano saxiibka xun. Ogow in uu rasuulkeenu (SCW) uu xadiis ku yidhi “Waxa jira toddobo ruux oo Alle hadhkiisa gelin doono maalinta qiyaame, marka aanay jirin meel kale oo la hadhsadaa ilaa hadhka Alle mooyee, waxana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”. Haddaba haddii ay sidaa tahay waxa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale akhriste ogow in ruux xun oo aad la saaxiibtaa uu kuu horseedayo “Hoog Iyo Halaag”. Astaamaha saaxiibka wanaagsan waxa kamid ah:
1- Saaxiibka wanaagsani waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay ee had iyo jeer kuugu yeedha wanaaga kaana reeba xumaanta.
2- Saaxibka wanaagsani waxa uu kugula taliyaa wixii dani ay kuugu jirto, waxana uu ka hortagaa wixii aan dani kuu ahayn.
3- Saaxiibka wanaagsani waa kan kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxana uu kaala murugoodaa wixii aad ka murugooto.
4- Saaxiibka wanaagsani had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh.
5- Saaxiibka wanaagsan waxad had iyo jeer ku aragtaa meelaha kheyrka sida masaajidada, majaalista cilmiga, goobaha waxbarashada iyo dhamaan goobaha wanaaga hayo.
6- Saaxiibka wanaagsani waa ka kuu xifdiya sirtaada, mana faafiyo wax adiga kugu saabsan.
7- waxa uu qariyaa ceebahaaga oo muujiyaa wanaagaaga.
8- Saaxiibka wanaagsani waa kan ku qabta (celiya) marka aad cadhooto ee ku dejiya.
9- waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal macaan.
10- Saaxiibka wanaagsani waa ruux dulqaad leh, aan dad ka kalena kaaga sheekeyn xumaantooda.
11- waxa uu had iyo jeer ku xasuusiyaa geerida, Alle ka cabsi iyo maalinta Qiyaame.

News Related