Published:

Nairobi(Haldoornews)-Al-shabaab ayaa la sheegay inay saldhigyo rasmi ah ka sameysteen dhulka kaymaha badan ee deegaanka Boni ee dalka Kenya, halkaasoo Qoysas-kooda soo dagsadeen, sida uu baahiyay Wargeyska Star ee kasoo dalka Kenya.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in Xoogaga Al-shabaab, xaasaskooda iyo weliba caruurtooda ay ku nool ugaarsi; iyagoo sidoo kalea biyahana ka cabaan dhowr webi oo ku yaalla dhulkaas kaymaha badan.

Baahinta Warkan ayaa Ku soo Beegmaysa Maalmo Kaddib markii Xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar gaadmo ah la beegsadeen gaari ay wateen askar booliiska Kenya ka tirsan oo marayay duleedka Lamu-Kenya, iyagoo ku dilay shan qof oo ay ku jiraan sadex sarkaal oo Booliis ah.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in weerarkan uu mas’uul ka yahay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay ku magacaabeen Khaalid Maxamed Cali, kaddib  markii ay Kenya sheegtay inay weerar duqeyn ah ku dishay dhawaan sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ay ku tuhmayeen inuu ka dambeeyay weerarro ka dhacay Kenya.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa lagu Sheegay in Fariisimaha Al-shabaab ay Keynta Boni ka sameysteen uu imaanayo xili dagaallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay xilligan ka socdaan Koonfurta Somalia, kuwaasoo ay hormuud u tahay AMISOM.

Kaymahan oo la sheegay inay ku fadhiyaan dhul dhan 160-km ayna xudun u ah Ugaarta ku nool Dalka Kenya, kuwaasoo intooda badan ka cararay Somalia markii ay gashay burburka iyo colaadaha.

Deegaankan ay Kaymuhu ku badan yihiin ayaa ku yaalla Cirifka Badweynta Hindiya oo ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadaagaan xuduudda, iyadoo dacalka ku haysa dhulka kaymaha badan ee loo yaqaanno Hululuqo.

Boni ayaa waxay madax u tahay deegaannada Hindi, Basuba iyo Witu oo ay ku nool yihiin 600 oo qoys oo Keenyaan ah, kuwaasoo aan aadin Dhulka Kaynta leh ee Deegaankooda oo ay ugaartu ku badan tahay.

Dhanka kale, Kaymaha deegaannada Boni iyo Wasanye ayaa waxay ahaayeen Goob ay ku soo bandhigayeen shacabka deegaanadaas muddo sanado ah Waxyaabaha ay ku muujiyaan Dhaqankooda muddo sannado ah, halkaasoo haatan ku noqotay mid adag inay aadaan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weerarro is-xiga oo ay dad badan ku naf-waayeen ku qaaday Deegaannada Xeebta dalka Kenya ku yaalla, kuwaas oo ay ku jiraan Lamu iyo Mpeketoni.

 

News Related