Published:

baarlamaanka puntlandGaroowe(Haldoornews)-Baarlamaanka Puntland oo ka Doodayay maalmihii la soo dhaafay khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo maamulka Puntlan, ayuu maanta kasoo saaray go’aanno ka kooban shan qodob.

Mudanayaasha Puntland ayaa inta ay doodu u socotay ka hadleen arrimo ay ka mid yihiin; la-sii shaqaynta dowladda federaalka Somalia, Wax ka bedelka dastuurka, gudiga xuduuda maamullada federaalka Somalia iyo Qodobbo kale oo saldhig u ah khilaafka iyo muranka soo laablaabtay.

Go’aannada ay Baarlamaanka Puntland Gaareen ayaa waxay kala yihiin;

  1. Baarlamaanka Puntland Wuxuu go’aan ku gaaray in dastuurka lixda saxiix leh iyo Xoghayaha guud ee QM oo Maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.
  2. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federaalku Ansixiyay ee aan laga tashan Puntland aysan xeerarkaasi sharci ahayn, kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka.
  3. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aamiyay inaysan sharci ahayn saddexda Guddi ee soo socda:
  4. Gudiga dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia.
  5. Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
  6. Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federaalka.
  7. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan Waafaqsanayn Dastuurka federaalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.
  8. aarlamaanka Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa Kal-fadhiga Bisha soo socota ee Oktoobar, 2015, haddii Dowladda Federalka ku adkaysato wax ka badalka Dastuurka & Heshiisyada la galay Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ka gaari doonaa sii wada-shaqaynta Dowladda dhexe ee Somalia.

 

 

News Related