|
|||
Gabileynewsonline.com
Banaanbax lagaga Soo Horjeedo Doobnimada oo Hargeisa ka Dhacay + Dhalinyarada oo Fariin u dirtay Hablaha reer Hargeysa.
July 22, 2015 - Written by adminJawiga, Dareenka iyo Shucuurtooduba waa ay bedelnayd, Naawilaada rajadooda wadaaga noloshana waxay muujiyeen inay qawadeen. Walow aanan war buuxa ka hayn xogahooda nololeed hadana halku dhegooda banaanbuxu waxa uu ahaa “Weli waxaan ahay keli, Doob ama mid aan guursan” halka banaanbaxayaasha Guurdoonka ah uu ka dhex muuqday mid kali ku ah nolosha guurka kasoo laabta kusitay warqad ay ku xardhan tahay “Waan Guursaday”. Abdirashiid Danab waxa uu kkamid yahay dhalinyarada aqoonta qaniga ka ah sidoo kale waa hal abuur, waana guurdoonayaasha maanta banaanbaxa sida weyn uga dhex muuqday maraan dareenkiisa banaabaxa kadib la wadaagay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay kuna dhameeyey “ Saaxiib Cabdirisaaq Terra waad mahadsan tahay hal dhib oo keliya aya jirta guurku waa xulasho wakhtigeeda leh, waxbarasho heer wacan baan ka gaadhay, shaqona rajo naawil baan ahay, hase ahaate hamadayda guurka iyo rabitaankeeda ayaa ah kan aniga iyo saaxiibaday dibada noo soo saaray, xiligan jacaylka iyo dookha guurka xalaasha ahi waxa uu ku xidhan yahay, Cadadka meherka, Qiimaha Gabaatiga, Agabka guriga, Huteelka arooska iyo wax kale oo badan oo aan halkan kuugu soo koobi karayn, waxaana ka gadhwadeen ah waalidiinta oo had iyo jeer wiilka gabadha guursanaya aan u eegayn muxuu bartay iyo maku filan yahay nolosheeda ilaa diinteenu waxay qabto, balse markasta isbarbardhiga Gabadh calafku ku daray wiil aabihii Tabcaday maal aad u badan iyo nolosha ay ku nooshahay, markaa saaxiib banaanbaxan way nagala fursan wayday inaanu ku muujinayo dareenkayaga”. Sanadba sanadka kasii dambeeya guurku waa sii yaraanayaa, dhibaatada guur la’aanta iyo halisteeda waa mid sii kordhaysa oo halis dhalintu lab iyo dhedigba ugu jiraan gelitaanka beeraha Libaaxa. Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”
COMMENTS
|
Latest News
|