Published:

France (Haldoornews)-Qabyaalda, eexda, qaraaabo kiilka Madaxweyne Siilanyo iyo Awoodaha dastuurka ka baxsan ee koox Madaxtooyada ku xeeran yeelatay oo dhaawac halis ah u geysanaya sumcada Somaliland ku laheyd caalamka iyo go’doonka siyaasadeed ee ku soo foodleh wadanka, sida u qorey Wargeyska “The Indian Ocean” ee kasoo baxa Dalka Fransiiska, cadadkiisii maanta(24-07-2015.)

Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean ayaa cadadkiisii maanta (24-07-2015) ku soo qaatey sababta baajisey boqashadii hore loo sheegey ee Madaxweyne Silanyo ku tegi lahaa 6-dii bishan Boqortooyada Sacuudi Carabia iyo Dawlada Maraykanka oo la sheegay in ay hakisay tageero dhaqaale dhan 100 milyan doolar uu lasiin lahaa Somaliland.

Wargeyska oo arrintaas faah-faajinaya ayaa sheegey in Dawalda Federaalka Somalia ka codsatey Sacuudi Carabia in aaney Qaabilin Madaxweyne Siilanyo, codsigaa oo taagero ka heley Dawlada Maraykanka, kadib markii Xukuumada Barack Obama ka biya diidey habsami u socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo Muddo Kordhinta muranka badan dhalisay.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegey in Xukuumada Maraykanka qorsheynayso go’doon siyaasadeed oo ka dhan ah Xukuumada Madaxweyne Siilanyo, gaar ahaan xaaskiisa, Amina Waris Xaaji Maxamuud Jirde, wiilka u sodoga u yahey oo wargeysku ku sheegey gacanta midig ee Siilanyo, Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaaji Cabdi, wasiirka Maaliyada Zamzam Cabdi Aadan iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan. Xukuumada Obama ayaa sida wargeysku sheegey bishan horaateedii diidmo qayaxan kala hortid madaxweyne Silanyo kabid markii uu dalbadey booqasho uu ku tegi lahaa cariga Maraykanka, Waxaana si cad loogu sheegey in Beesha Caalamku walaac weyn ka muujinayso habsami u socdka dimuqraadiyada wadankiisa iyo awoodaha dastuurka baal marsan ee gacanta u galey koox ay ku timaameen qaswadayaal burburinaaya nabadii iyo dimuqraadiyadii Somaliland ku soo caana maaleysay 20-kii sano ee u dambeeyay. Waxaney sii raaciyeen in Xukuumada Maraykanka xayiraad ku soo rogi doonto kooxdan qaswadayaasha ah oo ay sheegen in ay madax u yihiin Marwadiisa Amina Waris iyo wiilka ay sodohda u tahey, Baashe Cawil.

Sikastaba ha ahaante, xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo u xilsaaran ilaalinta himilada fog ee Qaranka ayaa looga fidhiyaa ficiladii ay ku badbaadin lahayeen qarankan qawleysatadu ku habsatey ee cadawgu kusoo dhiiranayo maanta.

Halka hoose Riix si aad toos uga Akhrido Warbixinta Wargeysku Qoray.

http://www.africaintelligence.fr/LOI/politique-pouvoirs/2015/07/24/mogadiscio-et-washington-mettent-silanyo-en-quarantaine,108085712-ART

Haldoornews.com

haldoornews@hotmail.com

Siilaanyo-iyo-wiilasha

News Related