Published:

Cilmi-baarayaal caafimaad ayaa bannaanka soo dhigay inay ragga aad ugu adag tahay in ay wejiyada ka akhriyaan xaaladda qof hortooda jooga ku sugan yahay, halka arrintaasi xoog ugu fududahay haweenka inay si si dhib yar ku ogaadaan xaaladaha caaddifadeed ee dadka ay la kulmaan ku jiraan.

Khubaradan oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh University ee dalka Ingiriiska, ayaa koox rag iyo dumar isugu jira tusay sawirro kala duwan, isla markaana su’aalo ka weydiiyey muuqaallada sawirradaas, intaa kadibna maskaxdooda sawir la saaray si loo ogaado shaqada maskaxdoodu qabanaysay markii su’aalaha la weydiinayey, waxana natiijadii ka soo baxday kala duwanaansho u dhexeeya labka iyo dheddiga daraasaddan lagu tijaabiyey.

Markii ragga la weydiiyey xaaladda dadka sawirradooda la tusay ku sugnaayeen waqti dheer ayey ku qaadatay inay ka jawaabaan, balse haweenka ayaa si degdeg ah u soo tuuray jawaabaha su?aalaha la weydiiyey.

Sawirkii la saaray maskaxda dadka ka qaybgalay daraasaddani waxa uu soo saaray in dhiig aad u badan oo qulqulaya uu si fiican u gaadho qaybta go?aanka qaadata ee maskaxda dumarka, taasina u sahashay inay si fudud ku soo saraan xaaladda caaddifadeed ee qofku ku sugan yahay.

Sidoo kale, cilmi-baadhistani waxay soo bandhigtay in maskaxda labku (raggu) aad u shaqayso markay soo saarayso go?aannada, arrintaasina tahay sababaha go?aan-qaadashadoodu u raagto.

Prof. Stephen Lawrie oo hoggaaminayey kooxda daraasaddan diyaariyey, ayaa isagu sheegay in raggu qaataan waqti ay go?aan ku sameeyaan.

Natiijada cilmi-baadhistayadu waxay badka keentay inay raggu aad ugu adkaato in ay wejiga ka gartaan xaaladaha qofku xilligaas ku sugan yahay, waxana laga yaabaa in daraasaddani hordhac u noqoto in lagu daaweeyo cudurka la yidhaa Austim (cudur keena in dadku garan waayaan xaaladda cadho amma farxadeed ee dadka ay la kulmaan ku sugan yihiin), ayuu yidhi Prof. Stephen.

News Related