Published:

Si loo helo marwo wanaagsan oo ku sifowda raaliyo haween waxa haboon in laga helo qodobadan hoos ku qoran oo ah astaamaha lagu garto haweenayda xilkaska ah ee ninkeeda awlaadeeda iyo gurigeedaba ku filan.

1-in qaadato awaamirta ilaahay iyo waajibaadka alle saaray, iyo daacada rasuulka scw.

2- in ayna ka bixin guriga ninkeeda oo  aan u idmin.

3-in ay ahaato mid u dhoola cadysa ninkeeda.

4-markay wax waydiisanaysa ninkeeda waa in ay doorataa wakhtiga ku haboon, adeegsataana kalmada wanaagsan oo soo jiida ninkeeda.

5-in ay tahay mid ku sifowday akhlaaq wanaag.

6-in ay tahay mid ku sabarta haduu ninkeeda sabool yahay,kana mahad celisa haduu yahay ninkeeda hantiile.

7-in ay tahay mid jecel khayrka oo faafisa wanaaga.

8-in ay tahay mid ku caanbaxday sheegida runta oo ka fog beenta.

9-in ay tahay mid ku barbaarisa caruurteeda ,tarbiyada islaamka,bartana caruurteeda ixtiraamka aabahood iyo dadka waa wayn.

10-in ay tahay mid ka fog cadhada iyo xanaaqa faraha badan.

11-in ay tahay mid tawaaduc badan oo ka fog kibir  iyo faan.

12-in ay tahay mid la timaada cibaadada alle ku faralyeelay.

13-in ay tahay mid alle xusta hadi iyo jeer oo carabkeeduna uu ka qoyanyahay xuska ilaahay.

14-in ay ka dalbataa ninkeeda waxa uu awoodo ,oo ayna saarin culays aanu awoodin.

15-in ayna ku kadsoomin quruxdeeda,dhalinyara nimadeeda,iyo aqoonteeda,oo ay ogaataa in waxa soo dhan ay tagayaan.

16-in ay qaadato awaamirta nikeeda waxa aan ahayn macsi ilaahay.

17-in ay tahay mid ku caan baxday xishood.

18-in ay taqaano waxa uu ka helo ninkeeda xaga cuntada.

19-in ay tahay mid qarisa sirta ninkeeda ,maadama ay tahay maradisii.

20-in ay tahay mid wakhtigeeda ka faa’iidaysata,oo aan ku mashquulin la sheekhaysiga dadka aan wakhtiga ka faa’iidaysan.

21-in ay tahay mid aad uga danbaysa ninkeeda iyo rayigiisa xushmaysa.

22-in ay tahay mid aad u hagaajisa muuqaalka guud ee ninkeeda ,xaga dharka ,nadaafada, isla markaana  ninkeeda laga daremo in uu qabo gabadh fiican.

News Related