Gabileynewsonline.com
Shabakada Gabiley News Network
Ciidamada Amizon oo Gumaaday Dad Rayid ah ilaa 10 Qof ku Dillay Magaalada Marko ee Gobolka Sh. Hoose.+Akhriso
July 21, 2015 - Written by admin

Marko(Haldoornews)-Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku Dhintay, Tiro kalena waa lagu Xir-xiray Howlgal ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Saaka ka Sameeyeen Xaafaddo ka Tirsan Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii booyad ay leedahay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Qarax lagu eegtay Bartamaha Magaaladaas, inkastoo khasaaraha kasoo gaaray uu yahay mid aan illaa hadda la ogeyn.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas ay fureen dishay dad badan oo ka mid ah shacabka degmadaas, Waxaana dadkan la laayay ku jiray waayeel iyo haween qaarkood ay ciidamadu qabteen iyo kuwo gudaha magaalada marayay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Marko ee Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo lagu magacaabo Xasan Cumar Macallin oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa xaqiijiyay dhimashada dadka rayidka ah, inkastoo uu sheegay in tirade dhimashada ah ee uu isagu maqlay ay gaarayaan lix ruux oo ay ku jiraan laba ruux oo Walaalo ah.

Dad Goob-joogayaal ah oo ku sugan Marko ayaa u sheegay Warbaahinta inay ciidamada AMISOM si kula-tala-gal ah u toogteen dadkan shacabka ah oo 10-qof tiradooda lagu sheegay, wararka qaarna ay gaarsiinayaan 13-qof.

“Qarax weyn ayaan maqalnay xalay, Ma garanayno khasaaraha kasoo gaaray AMISOM… balse rasaas ay fureen xalay iyo howlgallo ay saakay sameeyeen ayay ku illaa dad ka badan 10-qof oo shacab ah,” ayuu yiri Goobjooge Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Marko.

Gabar uu abbaaheed ka mid ahaa dadka ay toogteen ciidamada AMISOM ayaa u sheegay iyadana warbaahinta in aabbaheed la dilay isagoo u sii socda Beeraha ka baxsan  degmada.

“Aabbahay waxaa toogtay ciidamada AMISOM, waxayna ka toogteen meel aad u fog xilli uu saakay waaberigii kusii socday beer aan ku leennahay meel dibadda ka ah magaalada,” ayay tiri Gabadhan oo aan magaceeda sheegin.

Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la Sheegayaa in ay Haatan Kacsan tahay, iyadoo Ciidamaduna ay weli Waddooyinka Gaaf-wareegayaan dadkuna ay guryahooda ku jiraan.

Si kastaba ha ahatee, weerarka ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM. Mana jiro Hadal Weli kasoo baxay AMISOM oo ay kaga hadlayso tallaabadan ay askarteedu ku laayeen dadka shacabka ah.

 

Haldoornews.com

Source:Hiiraan

COMMENTS
Latest News