Ciidamada Yuhuuda oo Guddaha u Gallay Masjidka Barakaysan ee Al-aqsa.
July 27, 2015 - Written by admin
Ciidamada Isra’iil ayaa Axadii shalay gudaha u galay qeybo kamid ah Masjidka Al Aqsaa ee magaalada Qudus (Jerusalem).
Weerarkan ayaa dhacay kadib markii iska horimaad uu banaanka masaajidka ku dhexmaray dhalinyaro reer Faastiin ah iyo ciidamada Isra’iil. Dhalinyarada ayaa tuurayey dhagaxaan iyo baaruud waxayna xireen goobaha laga soo galo masaajidka.
Ciidamada Yuhuuda ayaa jirdil iyo xarig la beegsaday muslimiintii ku sugnaa Masaajidka oo ka horjoogsaday inay ciidamadaasi gudaha u galaan Masaajidka Al Aqsa.