Published:

 

mudaharaadkaMadaxa hay’adda German Development Cooperation ee arrimaha Soomaaliya Ms Julia Kronberg, ayaa Shir la qaatay Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, waxaana ay ka wada hadleen mashruuc ah sidii loo fududeeyn lahaa qaxootiga doonaya in si iskood ah ay dalkoodi Soomaaliya ugu soo laabtaan, sidaas waxaa lagu sheegey war-saxaafadeed ka soo abxay safaaradda Jarmalka ee dalka Kenya.

Dalka Jarmalka ayaa ku deeqay €5 Milyan oo lacagta Euro ah taas oo la so marsiiyey hay’adda GIZ, si wax loogu qabto hormarinta nolosha dadka qaxootiga ah iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacay.

Ms Julia Kronberg ayaa sheegtey in mashruucan uu hoosta ka xariiqayo dedaalka dalka Jarmalku ee ay ku laasimeen hormarinta iyo wada shaqeynta dalka Soomaaliya, waxaana ay calaamad u tahay sida hay’adda GIZ ay dib ugu soo laabatey Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka shaqeyneysey tan iyo sanadkii 2011

Dalka jarmalka ayaa ka mid ah dalalka sida Xawliga ah ay u soo galaan qoxootiga somalidu gaar ahaan Dhalinyarada Badaha ka soo gala ee ka soo Carara Faraha Talyaaniga iyo kuwa Meel kale oo ay tagaan waayaba, iyada oo ay dhawaanahan soo badanayaa dhalinyaro somaliyeed oo dalkoodii dib ugu laabanaya kuwaasi oo ka Codsada dawlada jarmalka inay ufududayso hawlaha noqoshadooda.

haldoornews.com

haldoornews@hotmail.com

 

 

News Related