|
|||
Gabileynewsonline.com
Doodaha ay siyaasiyiinta Soomaalilaan u qabtaan tiifiiyada HCTV iyo Star Tv, waa qaar baahi loo qabay, balse habka ay u dhacaan wax badan kama duwana murankii iyo fadhi-ku-dirirkii makhaayadaha.
July 26, 2015 - Written by admin
1. Daadiyaha barnaamijku waa in uu la yimaaddo diyaargarow fiican, waana in uu aqoon wanaagsan u leeyahay waxa laga doodayo. Si taasi loo helo waa in uu wariyuhu baadhitaan fiican iyo akhris badan ku sameeyo mawduuca ay dooddu ku saabsan tahay, si uu u noqdo mid xogogaal ah oo meteli kara daawadayaasha uu wakiilka ka yahay. 2. Wariyuhu waa in uu xil weyn iska saaro xulashada dadka dooda ka qaybgalaya. Xulashada qofku waxa ay kaalin weyn ka ciyaartaa quruxda iyo qiimaha hadba wixii laga hadlayo. Dadka doodayaa waa in ay yihiin kuwo ehel u ah waxa laga hadlayo. Taas weeye ta keeni karta in laysla jaanqaado. 3. Si dooddu midhodhal u noqoto, waa in ay qeexan yihiin oo laysla garanayo qodobbada laga doodayo. Si ayna dooddo u noqon jaantaa-roganna, waa mihiim in waxa laga hadlayaa yahay wax xaddidan oo uu wariyuhu mar kasta xakamaynayo. Iyada oo dib-u-dhaca doorashada laga hadlayo, maaha in meesha ay soo galaan mawduucyo kale oo ka baxsan doodda, una badan yooyootan iyo waadigii sidaa ahaan jiray iyo wixii la mid ah. 4. Doorka wariyaha ee barnaamijku waa in uu noqdaa mid nool oo leh karti uu ku maamuli karo afkaarta iyo ficilka xubnaha ay dooddo dhex marayso. Maaha in uu daadiyaha barnaamijku noqdo daawade kolba haddalka uun u qaybiya ka-qaybgalayaasha doodda, waa se in uu noqdo mid soo jeedda, oo dhug u leh oo dhuuxaya hadallada siyaasiyiinta, waydiinayana hadba su’aashii ku munaasiba. 5. Wariyuhu isaga oo ilaalinaya xuquuqda qofka, haddana maaha in uu u habrado siyaasiga. Mihnadda saxafinnimada kumo jirto in aad qofka aad waraysanayso su’aalaha u khafiifiso, adiga oo xeerinaya xidhiidh idinka dhexeeya sida uu doonaba ha ahaadee. 6. Maaha in wariyuhu isku daawado muranka iyo qaylada dhex maraysa siyaasiyiinta doodda ku jira, waa se in uu mid kastaba markiisa hadalka siiyo, isaga oo wakhti kooban u qabanaya, kii ku raagana waa in uu ka qaban karaa hadalka, si ayna meeshu u noqon meel qof kastaaba yidhaa, anna waykan. 7. Siyaasiyiinta doodda ku jiraa yaysan noqon kuwo isku muuqda oo iyagu is eryada, waa se in mawduuca meesha lagaga hadlayaa yahay ka ay diiraddu saaran tahay. Qodob kasta oo laga hadlayaana ha yeesho wakhti go’an, si loogu gudbo qodobka ku xiga. Intaas haddaan halkaa ku dhaafo, waxa aan ku sii yara dari lahaa talooyin ku saabsan dhanka farsamada. 1. Kol haddii madaxdii dalka dood loo qabanayo, waa mihiim in doodda lagu qabto meel bilicsan oo indhaha soo jiidanaysa. Kuraasta, miisaska iyo guud ahaan goobtuba ha noqdeen meel indhuhu ku nasan karaan. Maaha in sidii suuqa loo fadhiisto, oo inta laguha laysa saaro, biyaha dhulka la dhigto. Waa in ay goobtu noqoto mid aqoon iyo diyaargarow ka muuqdo. 2. Si muuqaalku u noqdo mid kaydka gala, qalabka codka iyo muuqaalkaba waa in masuuliyad dheeraad ah layska saaro. 3. Magacyada dadka doodda ka qaybgalaya iyo kaalinta ay bulshada ka jiraan oo qoraal kooban ah waa in mar kasta la soo dhigo shaahada. Tani waxa ay daawadaha u sahli kartaa in uu ogaado qofka doodda ku jira iyo waxa laga filan karo. Intaas ayaa ku soo koobayaa taladii iyo toosintii aan la wadaagayay hawlwadeennada aan kor ku xusay iyo cid kasta oo ku hawlan barnaamij noocan oo kale ah. Ilaahow eex ma tiraabine, aqoon haygu cadaabin—- Abwaan Gaarriye Muuse M. Ciise ( Dalmar )
COMMENTS
|
Latest News
|