Published:

Sida caadiga ah dadku waa ay ku kala duwan yihiin dabeecadaha iyo hab-dhaqanka, sidoo kale waxa aanay iskaga mid noqon karin dookha iyo arrimo badan oo nolosha ka mid ah sida ay u qiimaynayaan, si kastaba ha ahaato ee waxaa jira tilmaamo iyo dabeecado guud oo la isku waafaqsan yahay xumaantooda ama wanaaggooda, sidoo kale waxaa jira dabeecado aynu ruuxa ku jeclaanno ama sabab u noqda in aynu ka fogaanno.

1. Quruxda: In kasta oo aanay quruxdu ahayn shay inta badan la isku waafaqi karo, isla markaana ay dad badani aaminsan yihiin in aanay lagama maarmaan u ahayn nolosha iyo xidhiidhka lammaanaha, haddana xaqiiqada sahamin ay khubaradani sameeyeen ku ogaadeen ayaa ah in quruxdu ay ka mid tahay sababaha ragga ku soo jiida ama dareenkooda ku soo jeediya gabadha.

2. Dhiirranaanta: Samahinta ay xeel-dheerayaashani sameeyeen ayaa daahfurtay in raggu ay jecel yihiin gabadha dhiirran ee taqaanna, awooddana u leh difaaca xaqeeda. Khubaradu waxa ay sheegeen in dhiirranaantu ay ninka tusto in gabadhaasi ay tahay gabadh karti leh.

3. Dabeecadda deggen: Inta badan ragga waa ay ku adag tahay in ay la macaamilan ama is fahmaan gabadha kulul ee cadhadeedu dhaqsaha tahay, gabadha aan awoodin in ay ka aamusto khaladka. Ninku waxa uu jecel yahay in uu weheshado gabadha deggen ee hubsiimada badan, oo uu aaminsan yahay in la xidhiidhkeeda iyo is-fahamkeedu ka sahlan yahay dumarka kale, iyo in xaaladaha xun aanay sii buun buunin ee ay hubsanayso.

4. Gabadhnimada: Waxaa lagama maarmaan ah in ninku uu gabadha ka dareemo qaddar gabadhnimo ah iyo kala duwanaanshiyo u dhexeeya oo muujinaya in ay gabadh tahay dhinaca dabeecadda, hadalka, hab-dhaqanka iwm.

5. Qancidda: Ninku waxa uu jecel yahay guurka gabadha uu ka dareemo in ay si sahlan ugu qanci karto wixii hadba ay helaan, gabadha aan isku dayin in ay iskeed u socoto iyada oo aan isaga talo gelin, gabadha ku qanacda hadba wixii dhaqaale uu u helo ee aan siyaado ka doonin.

6. Naxariis iyo dabacsanaan: Ma jiro nin jecel in xaaskiisu ay noqoto gabadh qallafsan oo aanu la hadalkeeda iska ilaalin isaga oo ka baqo qaba in buuq iyo muran ay bilowdo. Ninku waxa uu jecel yahay gabadha dabacsan ee naxariista badan oo uu aaminsan yahay in ay u fiican tahay ubadkeeda mustaqbalka iyo barbaarintooda.

7. Kalgacalka badan: Waxa ay raggu caan ku yihiin in ay raadiyaan gabadha kalgacalka badan, ee mar kasta u muujisa soo dhoweynta iyo daryeelka, gabadha uu ka dareemo in ay si gaar ah u xannaanayso ugana war hayso, gabadha uu aamino in ay muhiimad weyn siinayso xidhiidhkooda iyo xiiso gelinta jacaylkooda.

News Related