Published:

Sheekh Maxamed Idiris oo socdaal iskugu jiro bookhasho Ehelnimo iyo mid dacwadeedba ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa tilmaamay in faraq weyni u dhexeeyo Hargeysa iyo wakhtigii ugu dambeysay iyo hadda.

Qormo uu ku soo bandhigay waxyaabaha soo jiitay oo uu ku baahiyay boggiisa Facebook ayaa u dhigan sidan:-

Hargeisa Marka Diyaradu kula dulmareyso waxaad arkeysaa magaaladu sida ay usii fideyso.. 20kii sano ee u dambeysey Hargeysa aad ayey u ballaaratay Maashallaah, 1995 Mar aan soo maray iyadoo qayba badani ay bur bursanyihiin, Maanta 2015 waa 20 sano oo gaw ah, wexey u kala egtahay laba magaalo..

11148410_822280231201773_3050774876065251075_n

 

Guryaha Quruxda Badan, Daaraha Muraayadda ah ee Dhaadheer, Ganacsiga nooc walba leh ee kala duwan, Makhaayadaha Adduunka meel kale inaad noocan oo kale uga hesho ay yartahay, Hoteelada waaweyn ee Nadaafadda badan, Beeraha yar yar ee ku xeeran, airportiga Cigaal Allaha u Naxariistee, ee Quruxda badan, Iskuulada iyo Jaamacadaha iyo Macaahidda, Faraha badan, Maashallah, Jaamacadaha Keliya Gudaha Hargeisa dhawr iyo Toban ayey gaarayaan, Iskuula waxaa jira wiilasha keliya iyo Hablaha keliya Sida Nuruddin, Horumarkaas Tacliinta ahna aad ayuu ii farax gelinayaa..

Hargeisa waqtigan jawigu waa mararka uu ugu wanaagsanaa, In kastoo Soon hore aan soo maray haddana kan wuxuu kaga nasiib badnaa hawada macaan habeenkii, laydha qabow maalinkii, taasoo soonkaba aan la dareemi hayn..

11666078_821799334583196_2910107101293733217_n

Masaajidda quruxda badan ee dabaqyada ah Hargeisa wey ku bateen Ilaahay Mahadiis, iyagoo weliba si wanaagsan u goglan, waxaan kaloo kusii farxay Afurka Hargeisa inuu la mid yahay sida dhaqanka khaliijka oo marka la Eedaamo waxaa la sugayaa ilaa 15 daqiiqo si dadku aayar guryaha ugu soo afuraan, salaadda jamacana usoo gaaraan, oo dhaqankii hore ee Soomaalida ee kadeednaa oo qofku sarajooga xabbad timira ku liqi jirey si aan jamacu u dhaafin wey ka gudubtey Hargeisa..

Waxaa ilaahay isugu daray Hawa Qabow, Biya Macaan, Ciid wanaagsan, iyo dabiicada dhulka oo cajab leh, buura yar yar oo biyuhu ka rogmadaan, laydhuna ka socoto, dooxooyin, meela ooga ah iyo meela hoose, dadka oo iskaba faraxsan, naftooduna hodon tahay.. Arrinkaas hadda keliya maanan oran ee beri hore sagaashameeyadii sidaas ayaan u arkayey waxba iskama kay bedelin..

Hargeisa Habeenkii Soonka waa wada furantahay, waxaad u malayneysaa inaad joogto Jeddah ama Sharqah ama Dubai.. Wadooyinku baabuur waa buuxaan, dukaamada iyo suuqyadu waa furanyihiin ilaa habeenka kala barkiisa ama ka dib.. Makhaayadaha Cuntada waa la gabranyahay ilaa Suxuurta.. Si nabad gelya leh ayaad ugu mushaaxeysaa..

11709567_822362137860249_7698031053934301751_n10984453_822362174526912_4196405423499273094_n

Maalinkii talaadada waxaan galay laba kulan oo muhiima.. Mid wuxuu ahaa Muxaadaro Dumarka u khaas ahayd, hoolkana dhawr boqol ayaa isugu yimi, wixii waanu iyo xusuusin ayaanu is dhaafsanay..

Kulanka kale waxaan aniga iyo culima kaleba soo booqanay Machadka Sare ee diyaarinta Culimada iyo Ducaadda si wixii waaya aragnima ah aan ugu gudbino ardayda..

Ardaydaas waa kuwa jaamacadaha soo dhameeyey gobola kala duwanna ka yimi, waxaanan rajayneynaa iney Culimo iyo Ducaad waaweyni kasoo baxaan ilaahay Idankiis..

11665597_822362227860240_337052746530709895_n

News Related