Published:

baashe– Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye

– Miyir waxaad ku waydaan is waal, ku ma mihiibtaane – Saahid Qamaan (AHUN)

Macangagnimo, maangaabnimo iyo caaqnimo ka weyni ma jirto in xumaan jirta xumaan kale lagu la daalo suulinteeda, sida maanta dhexdeena ku badan.

Dharkaynku waa geed leh caano kulul oo wax u guba sida aysiidha (acid) oo haddii la mudmudo ay aysiidhaasi ka soo qubato.

Bal ka warran ninka geedkaas mudmuda ee hadda na is hoos taaga?!

Taas oo kale miyaanu la mid ahayd ninka doonaya in uu xumaan ka gilgisho ee hadda na xumaantii mid la mid ah samaynaya?!

Tusaale ahaan qabyaalad buu diidayaa oo cid kale ku dhaqankeeda foosha xun ku durayaa hadda na isagii ayaa samaynaya!

Xumaani ma toosin karto xumaan kale in ay sii xumayso mooyaane!

Is burintaas iyo qofkaas labada shakhsiyadood ee iska horjeedda ah ayaa inagu badan ee bal adba ka sitee?!

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc

News Related