Published:

sawir5Hargeysa(Haldoornews)-Wararka naga soo gaadhaya Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegaya in koox dhalinyaro ah oo la soo abaabulay ay goo-gooyeen isla markaana dhibaato u gaysteen xafiiskii Imtixaanaadka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda.

Illaa hada ma sugna khsaraaha ay kooxdaasi u gaysatay Jaamacadda iyo shaqaalaha, hase yeeshee sida wararka ka soo baxayaa sheegayaan waa khasaare balaadhan oo sababay in gabi ahaanba Jaamacadda Hargeysa saaka waajahday in albaabada loo laabo, kadib markii waxba laga qaban waayey weeraro joogto ah oo lala beegsaday bilihii u danbeeyey Jaamacadda.

Weeraradan lagu hayo Jaamacadda Hargeysa ayaa ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Hogaanka sare ee Jaamacadda iyo Laba Horjooge oo ka tirsanaa qaybaha Jaamacadaa oo guddida sare ee Jaamacaduu ka eriday shaqada, kuwaas oo miciinsaday rabshado joogta ah inay ku fuliyaan Jaamacadda iyo cid kasta oo ku shaqo leh.

sawir4

Bishii hore, waxay labada Hormood ee laga Eryay Jaamacadda Hargeysa soo abaabuleen kooxo dhalinyaro ah o oaf-ka soo duubtay, kuwaas oo ku dhex garaacay jaamacadda Guddoomiyaha Guddida sare ee Jaamacadda Wasiir Sacad Cali Shire, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa.

sawir3

Illaa hada ma jirto dhacdooyinkan soo noq noqday ee fawdada ku ah Jaamacadda Hargeysa cid wax ka qabatay, waxaanay taasi sababtay inay xaaladdu faraha ka baxdo oo la waayo Xukuumadd ka hortagta ama talaabo ka qaada dhacdooyinkan magic xumada ku noqday Jaamacadda Hargeysa.

Ciidamada Booliiska ka hawl-gala Jaamacadda Hargeysa ayaa iyana noqday kuwo aan dhacdooyinkan waxba ka qaban, waxaanay u muuqdaan inay amar ku haystaan inaanay ka hortagin gacan ka hadalka ay soo abaabulayaan labada Hormood ee laga Eryey Jaamacadda Hargeysa.

Si kasta ha ahaatee, ilo wareedyo u dhuun daloola Maamulka Jaamacadda ayaa sheegaya in gabi ahaanba si ku meel gaadh ah saaka loo xidhay Jamacadda Hargeysa oo ay ardayda usocdeen Imtixaanaad kala duwani.

sawi1

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata mid aan diyaar u ahayn inay wax ka qabato dhibaatadan, waxaanay guud ahaan Tacliinta iskuuladda Dawliga ahi noqdeen kuwo fadhiid ah oo ay maamul xumo bariinsatay, kadib markii ay Guddidii Taclinta sare iyo nidaama Xukuumadda Kulmiye lacagaha kaga dhaaftay dugsiyadu abuureen inay gudan kari waayaan waajibaadkii shaqo, taasoo keentay horumarka balaadhan ee ka muuqda waxbarashada gaarka loo leeyahay, taasoo iyana aan haysan cid ku ilaalisa.

 

 

 

News Related