Published:

Hargeysa(Haldoorokaynews)-Laba iyo Toban (12) hablood oo ka mid ah 20 hablood oo baranyey Abuurista iyo Maareeynta Ganacsiga ayaa ku guulaystay tartan lagu soo bandhigay fikrado Ganacsi Abuuriseed. Hablahaas oo dhamaystay Higher Diploma of Commerce and Entrprneurship oo ka socday ATU muddo sanad ah ayaa dhawaan ku furan doona abaalmarintaa malagelinta ah ganacsiyo ay iskood u leeyihiin.
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen marti-sharaf aad u badan ayaa wax ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mud. Axmed Cabdi Kahin, Agaasimaha Tacliinta Sare Mud. Abiib Axmed Cali, Agaasimaha Dhalinyaradda Mud. Sayid Cumar Cali, Masuul sare oo ka socday hay’adda caalamiga ee Shuraako, Mud. Cabdikariim Jirde Goolle, Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Mud. Ibrahim  Masuul ka socday Hay’adda UNFPA, Maxamuud , Marwo. Hodan Xassan Cali oo ka socotay Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil.
Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cali Kaahin oo ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadda Abaarso Tech, kaas oo ka warbixiyay maraaxilkii ay soo martay waxbarashadda iyo tababarka ay qaateen gabadhahan, Mashruucan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Jaamacadda Abaarso Tech, Wasaaradda Dhalinyaradda, ciyaaraha & Dalxiiska iyo Hay’adda UNFPA ayaa ahaa mid lagu barayay culuunta abuurista ganacsiga sheegay in muddadaa sannadka ah ee gabadhan tababarka loo waday inay ahaayeen kuwo si fiican uga faa’idaystaan, kuna faanayaan dadaalkooda. 12 gabdhood oo ka mid ah 26 gabdhood ee dhammaystay waxbarashadaas Diplomada ahna, manta la guddoonsiinayo deeqo lacageed ka dib markii mashaariicdii ganacsi ee ay ku tartameen ay guulaysteen. Waxaanu tilmaamay in koox kasta la siin doono lacag u dhaxaysa 3 kun illaa 5 kun oo doolar.
Waxa halkaasi iyaduna hadal ka jeedisay Marwo Hodan Xassan Cali oo ka socotay Bangiga Dahabshiil, gaar ahaan qaybta maalgalinta mashaariicda ganacsi ee yaryar. Marwo Hodan, ugu horrayn waxa mahadnaq u jeedisay ardayddan ku guulaystay kaalmaddan lacageed. Waxaanay ku bogaadisay fikraddaha ganacsi ee ay la shir yimaadeen. Waxaanay sidoo kale ka warbixisay adeegyadda kala duwan ee Dahabshiil bulshadda u qabto, gaar ahaan, dhinacyadda maalgalinta iyo taageeridda ganacsatadda yaryar, taas oo ay tilmaantay inay horseedayso in lagu talaabsaddo koboc dhaqaale iyo horumar bulsho. Waxaanay gabadhahaa kula dardaarantay inay hiigsigoodda iyo yoolkooda fogeeyaan, intaana aanay isdhigan balse ay tani u noqoto bilawgii ee aanay u noqon dhammaadkii.
Waxa isna halka ardayddan ku guulaystay abaalmarintan, Cabdikariin Jirde Goolle oo ah sarkaal sare oo  ka socday Hay’adda Shuraako ee dhinaca maalgalinta ka taageerta ganacsatadda. Mud. Cabdikariim oo ka mid ahaa gudidii soo kala saartay gabadhan wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay yihiin kuwo u qalma maanta abaalmarintan. Kuna hambalyeeyay inay tartan adag soo galeen, haatana ay ku guulaysteen.
Mud. Sayid Cumar oo ah Agaasimaha Waaxda D​halinyaradda ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixiyay siddii uu mashruucani ku yimid. Isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah siyaasadda dawladda, gaar ahaan, ta lagu horumarinayo dhaqaale ahaan, loogagana hortagayo aafadda tahriibka. Waxaanu agaasimahu sheegay inay ku faraxsan yihiin dhammaystirka mashruucan, oo ku tilmaamay mid lagu guulaystay, lagana midho dhaliyay yoolkii laga lahaa.
Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech, Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa ka warramay muhiimadda ay leedahay in la taageero hal-abuurka iyo fikradaha dhalinyaradda, si loo noqdo ummad horumarta. Waxaanu ku dheeraaday ka jaamacad ahaan dadaalka iyo halganka ay ugu jiraan siddii ay u soo saari lahaayeen arday leh hindise iyo xirfad ikhtiraac oo kaga jawaabaan dhibaatooyinka dhinac kastaba leh ee bulshadeena haysata. Waxaanu ku tilmaamay mashruucan mid qayb ka ah qorshahooda taas ku aadan, si fursad loo siiyo dhalinyaradda. Waxaanu u mahadnaqay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo waliba Hay’adda UNFPA oo si wada jir ah iskaga kaashadeen hindisahan.
Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadda, Mud. Abiib Axmed Cali ayaa ugu horrayn bogaadin iyo maan u jeediyay Jaamacadda Abaarso Tech. Waxaanu ka warbixiyay sida ay dhalinyaradda oo aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo dhisaa wax weyn uga baddeli karto fikirka guud ee dhalinyaradda, oo maanta halis weyn ay ku hayso aafaddda Tahriibku.
Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Mud. Ibrahim oo ka mid ahaa madaxdii xafladdaasi khudbadaha ka jeedisay, xusay doorka ganacsiyadda yaryar ay ka ciyaaraan horumarinta dhaqaalaha. Waxaanu ku amaanay Jaamacadda Abaarso Tech sida ay iska xilsaarto waxtarka da’yarta hadday noqoto aqoon-tayo leh, iyo hadday noqoto markay dhammaystaan siddii ay u noqon lahaayeen kuwo noloshooda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalkaba wax ugu soo kordhin lahaa.
Ugu danbayntii, Madaxa Waxbarashadda Jaamacadda Abaarso Tech Mud. Axmed Baashe Cabdi Gaboobe ayaa hadalka ku soo dhaweeyay si uu xafladda u soo xidho Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mud. Axmed Cali Kaahin. Wasiirku wuxuu gabdhaha ku guulaystay tartanka ee abaalmarintan lacageed la guddoonsiinayay kula dardaarmay inay noqdaan kuwa uga fa’idaysta. Kana dhigta halkii ay ka kori lahaayeen salaanka maalqabeenanimo. Waxaanu sheegay sheegay wasiirku in siyaasadda dawladda ay tahay in la taageero hindisayaasha noocan ee kale ee kor loogu qaadayo heerka aqooneed iyo dhaqaale ee da’yarteena. Waxaana halkaas uu ku guddoonsiiyay wasiirku gabdhahaas 12 ka ah jeegagii lacageed.
Mashruuca ganacsi-abuurka da’yarta ayaa Jaamacadda Abaarso Tech ay muddo sannad ah u wadday gabdho tiradoodu dhammaayeen 26 gabdhood, oo aakhirkii qaatay shahaadada diploma ka. Iyadoo markii ay dhammaysteena tartan ay u galeen siddii ay ula iman lahaayeen fikraddo ganacsi oo loo maalgaliyo. Waxaana ugu danbayntii ku soo baxay saddex kooxood oo min afar oo la guddoonsiiyay lacag gaadhaysa 13 kun oo doolar. Waana markii ugu horraysay ee tartan noocan oo kale ah mid ka mid ah Jaamacaddahu dalku ay sameyso.

News Related