Published:

Musharaxa Jagada madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu ayaan darro yahay xadhiga lagula kacay Suldaan Maxamed Muuse Cune, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Togdheer, kaasi oo ciidanka ammaanku xabsiga dhigeen maalmihii la soo dhaafay. Waxa uu xukumadda ugu baaqay inay xorriyaddiisa u soo celiso Suldaan Muuse Cune.

“Waxaan sharci darro ku tilmaamayaa xadhigii u dambeeyay ee Suldaan Cune oo aan sharciga waafaqsanayn oo gurigiisa loo dhacay ee lagu xidhay Burco.Suldaanku wuxuu ka mid yahay Salaadiinta Somaliland fikirkiisana waa u xor, xukumadduna in badan bay soo tubtay salaadiin fikirkooda ku hadlaya oo mucaaradka eedaynaya laakiin, dawladdu waa inay u adkaysato oo ay soo dayso suldaanka oo milge iyo sharaf mudan” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale, Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, oo Hargeysa kula hadlay Telefishanka Kalsan, waxa uu taxay talaabooyin uu kuwo aan habboonayn ku tilmaamay oo uu qaaday wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde “Waxaan la yaabanahay, wasiirka arrimaha guduhu inbadan buu soo saaray go’aamo la yaab leh.

Waddooyinka waxaa ku shuqul leh Maayarka iyo golaha degaanka iyo ciidanka nabad galyada waddooyinka laakiin, wasiirkii dhammaa ee daakhiliga ayaa go’aan iska soo saaray oo yidhi waddadaasi waa haad kaliya oo dhinac baa loo marayaa mid kalena dhinac kale ayaa loo marayaa, isagoon wax daraasad ah ka samayn, waanad yaabaysaa dhibaatad ka dhacda hadda jidadka la kala bedelay.

Waxa kale oo tusaale ah, go’aankii cishadii dhawayd ee shilka ee markuu dhegaystay khudbaddii sheekhii ina tukinayay uu yidhi Turusyada Baabuurta waa in laga furaa, waxaasi dawladnimo maaha, wax lagu shaqaynayana maaha.

Wasiirku waa inuu is dejiyo, sharcigana ilaaliyo oo dadka qaarkood shaqadooda u daayo, mar wuxuu iska dhigayaa wasiirkii gaashaandhiga oo markab buu hub ka soo dejinayaa oo fadeexad buu inoo keenay. Waad ogaydeen fadeexaddii inagu dhacday oo ah degdega faraha badan uu samaynayo oo inta uu hubkii isku soo sawiray odhanayo hubbaan keenay haddana maalintii xigtay la raranayo, fadeexad bay arrintaasi inagu ahayd.

Waxaan la yaabanahay dawladda aan wax talaabo ah ka qaadayn arrimahaas laakiin, waxaan leeyahay Cali Maxamed Warancadde, wasiir baad tahay, wasiirinamadaada inaad ku eekaatid, Mudane Cali Warancadde, sanadkii hore waxaad tidhi Xajka ayaa lagu tagayaa Basaboorka Somaliland ilaa haddana lagu tagi maayo, shacabkana kumaad noqon oo maad odhan arrinkii wuu naga suuroobi waayay;

Waxaad xataa tidhi Ciidanka Taraafikada iyo booliska Diyaarado Helikobtaro ah baan u keenayaa walina maad keenin; Mudane waxaad mucaaradka ku eedaysay oo tidhi waxay ku xidhan yihiin Xamar; qaxoontigii aad tidhi dalka ma soo gali karaan dhibaato iyo dhaawac weyn ayay I noo gaysatay, waxaas oo dhib ahna adigaa inoo keenaya;

Maan Jeclayn Wasiir inaan xilligaa Ramadaanta ah kula hadlo laakiin, way nagu kalliftay markii dhibaatadaadii iyo hanjabaadaadii badatay, waxaan leeyahay Cali Warancadde dee hanjabaadaadii wuxuun baa noo hadhsan inaad tidhaahdo Libaaxyada aad Hargeysa ku haysato ayaan mucaaradka ku dirayaa, markaa dee iyagana nagu soo dir ilayn wax kale oo hadhsani ma  jiree” ayuu hadalkiisa ku gabogabeeyay Jamaal Cali Xuseen.

News Related