|
|||
Gabileynewsonline.com
Kenya oo keenaysa Qaadka Miirooga Somaliland iyo William Ruto oo ku tilmaamay Suuq Dihin
July 2, 2015 - Written by adminMadaxweyne-xigeenka wadanka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dawladooda oo adeegsanaysa diblomaasiyad ay ganacsiga jaadka Miirooga gaadhsiin doonto Jamhuuriyadda Somaliland. Mr. William Ruto, wuxuu hadalkan ka sheegay munaasibad Jimcihii ina dhaafay loo sameeyay maalgashiga gobalka MERU ee uu qaadka Miiroogu ka baxo oo deegaankas lagu qabtay.
Madaxweyne-xigeenka Kenya William Ruto oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa ka jawaabay hadalka dalabka ah ee badhasaabka gobalka Meru, waxaanu yidhi, “Waxaan idiin balan qaadayaa inaanu annagoo isticmaalayna diblomaasiyad aynu jaadka Miirooga gaadhsiin doono Somaliland oo ah suuq dihin sida uu sheegay guddoomiye Munya.” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne-xigeenka Kenya. Waxa kale oo uu sheegay inay ku dedaali doonaan inay ganacsatada Kenya Somaliland gaadhsiiso ganacsiyo kale. Dawladda Kenya ayaa dhawr sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, laakiin xafiiskaas ayaan weli la furin. Hase yeeshee dawladda Somaliland ayaa magaalada Nayrobi ee Kenya 15-kii sannadood ee u dambeeyay ku leh xafiis iyo wakiil ka shaqeeya danaha Somaliland.
COMMENTS
|
Latest News
|