|
|||
Gabileynewsonline.com
Kooxda isku reerka ah ee maamula voa iyo bbc iyo sida ay ugu suuro gashay….!
July 7, 2015 - Written by admin“waa dad caqli badan oo ku guulaystay inay hantiyaan dhegaha Soomaalida, ka faa’iidaystaan hantidii Maraykan iyo Ingiriis, isla markaana ku gaadhaan yoolkooda siyaasiga ah” Nuxurka Daraasad igu qaadatay sagaal bilood. Scandal of the Century, The Intelligent group that uses the resources of the biggest powers of the world, (VOA and BBC) between Misleading the Institution’s Agenda and fulfilling their own political agenda. Xasuustaada dib u celi si aad iila fahanto nuxurka ay xambaarsan tahay daraasaddani, sannadku waa bilawgii sagaashanaadka (1990-1994) goobtuna waa magaalada Muqdisho, waxaa ka socda dagaalladii sokeeye, magaalada waxaa dhexyaalla qadkii cagaarnaa, si taas la mid ah waxaa magaalada Muqdisho ka hawlgala idaacadihii reeraha ama ku hadli jiray afka qabiillada, haddaba xilligaas waxaa idaacadahaas u warami jiray weriyayaal haatan ka hawlgala idaacadaha BBC iyo VOA. Waxaad soo gaartaa xilligii la aasaasay Idaacaddii Horn Afrik, waxaa sixni wax ku wada cunaya Falastiin Axmed Iimaan oo ninkeedu mulkiilayaasha idaacadda ka mid ahaa, Cabdicasiis Xuseen, Farxaan Jimcaale, Cabdiraxmaan Koronto, sidoo kale waxaan ka fogayn Maxamed Colaad Xasan. Tol waa tolane ayaa Soomaali ku maahmaahdaa, markii uu dhamaaday wakhtigii isbaarooyinka, waxay asxaabtani fursad ka heleen Yuusuf Garaad oo ahaa madaxii laanta afka Soomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad wuxuu ahaa nin aragti dheer oo ku xidhan tolkiisa, waxaad ka xasuusataa sida uu ugu dhex milmay siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan taageeradii aan geedna loogu soo gabban ee Maxaakiimta Islaamiga ah iyo weliba tii dagaallada eek a socday Muqdisho. Sidoo kale waxaad dib u xasuusataan sidii BBC ama VOA u shidnaayeen markii Cabdullaahi Yuusuf dalka xukumi jiray oo ay dhaliilaha ugu kala dheerayn jireen. Yuusuf Garaad oo talo ka helaya guddida hagista Hawiye Action Group wuxuu fursad siiyey dhammaan asxaabtii joogtay Horn Afrik isaga oo London iyo meelo kale geeyey, dadkii uu fursadda siiyey waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Yabarow, Cabdicasiis Xuseen iyo Cabdiraxmaan Caynte. Labadan Shakhsi (Yabarow iyo Caynte) laftoodu waa guddida fulisa talooyinka tolka, Yabarow wuxuu madax ka noqday VOA isaga oo fursadda dahabiga ah ku helay maadaama uu yahay Muwaadin Maraykan ah. Haddaba xilligan BBC waxaa taladeeda u dambaysa xagga Soomaalida leh Cabdiraxmaan Koronto, ninka uu iska hoosaysiiyeyna waa Farxaan jimcaale labaduna waa Hawiye Action Group. VOA lafteeda, waxaa madax ka ah Yabarow oo ay ilma adeer dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, wuxuu isku xeeray dhammaan inta reerkiisa ah, sida Colaad oo u qaabilsan dhinaca warbixinada, Cabdicasiisna wuxuu ka dhigtay Tifatiraha iyo kusimihiisa marka uu maqan yahay, Ibraahin Xasan Daanduray isna wuxuu ka dhigtay la taliyiisa gaarka ah isaga oo gaaladana ugu sheega inuu yahay khabiirka ugu halisaysan ee xafiiskiisa jooga, wuxuu ka cararayaa in Haarun Macruuf oo ah nin aqoon leh wax la weydiiyo. Intaas oo dhammi xumaan ma aha, in cuqdad laga qaado maaha haddii ay fursad heleen, laakiin waxaa Ayaan darro noqotay iyaga oo si foolxun uga faa’iidaysta, Tusaale ahaan Cabdicasiis iyo Farxaan Jimcaale waxay si joogto ah uga wada shiraan wararka iyo warbixinada la sii daynayo ee meelaha gaarka ah lagu weerarayo sida Puntland ama dadka ay aragti ahaan iska soo horjeedaan ama ay necen yihiin Sida maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland ama Axmed Madoobe oo ay Jubaland u naceen maadaama aanay dani ugu jirin reerkooda. Caddaalad darradaasi sahan badan ayay I gelisay, xogta aan ogaaday waa mid aanan halkan ku soo qori Karin, waayo shaqaalaha BBC ayay dhaawacay haddii aan wax badan soo bandhigo, hadal waayeel waase guud mar ee qof walbow macluumaadkaan kuu sheegayo intaad akhrido hubi oo qodob qodob u eeg.
Simply jawaabuhu waa cad yihiin oo lama doonayo wax madaxweyne Xasan iyo dawladaha tolka ka horyimaadda, waana arrin baadhis u baahan. Miyaanay ahayn in la weydiiyo dawladaha Britian iyo Maraykanka inay dib u dhegaystaan idaacadihii baxay sagaalkii bilood ee ugu dambeeyey isla markaana ay eegaan inta jeer ee lagu buunbuuniyey Cadaado, ama sida VOA ama BBC u baahiyeen maamuladii kale iyo wakhtiga la siiyey markay dhismayeen? Haddad Cashuur bixiye tahay suaashaasaa kuu furan.
Sidee ayaa qof dan lihi uga warami karaa meel uu dan ka leeyahay. Arrintani maanay mudnayn in la gaadhsiiyo maamulka sare ee VOA waayo sharciga maraykanku ma ogola ayaa laygu yiri in qof dan kaleh meel uu haddana isagu ka waramo, miyaanay ahayn in dawladda maraykanka arrintaas la weydiiyo, gaar ahaan side ayaa gabadh weriye ah oo ninkeedii Safiir yahay ama ninkeedii Murashax yahay ay dagaal ugu qaadi kartaa dadkii ninkeedu necbaa sida dawladda Puntland oo kale, iyada oo adeegsanaysa magaca VOA? Qolada maamulka Somaliland ayaa awel ka caban jiray.
Haddaan wado ma dhamayn karayo xogaha aan quruxda badnayn ee iiga soo baxay daraasaddaas, waxaanse hadalkayga ku soo afmeerayaa, labada idaacadood waxaa gacanta ku haya koox gaar ah oo awood badan oo shaqada ka joojisa ama erida cidda ay u arkaan inay fikirkooda ka soo horjeedaan, waxaad ogaataan in shaqaalaha jooga Washington ama London inaanay lahayn hal cod ama wax ixtiraam iyo qadarin ah oo laga dhegeysto fikradohooda, waxaad ogaataan in shaqada laga eryo dadka dhiigga kulul sida BBC uga dhacday sida VOA uga dhacday. VOA waxaan ogaaday in dadka ugu badan eek a tegey ay laba meelood ka soo jeedaan ama waa Puntland sida Cali Xaraare, Nuunow, Cabdisalaan Salwe iwm. Oo aad waraysan kartaan ama dadka ka tegey waxay ka soo jeedaan maamulka Somaliland sida Hereri, Cawke, Farxiya Cabsiiye, iwm. Dhammaan dadkani wax kale ugama tegin ee meesha Ayaan laga doonayn, waxay arkeen inaan lagu qadarinayn oo xaaraan looga dhigayo inay maamulkooda iyo dhulkooda ka hadlaan, sidoo kale wax walba oo wanaagsan oo ay sameeyaan aan loo gudbinayn maamulka sare taas bedelkeeda wanaag kasta oo kooxda reer Muqdisho ay sameeyaan waxaa la gaadhsiiyaa illaa ninka ugu sarreeya, sidaas awgeed ninka ugu sarreeya idaacadda VOA wuxuu ogyahay oo keliya hawl qabadka inta reer Muqdisho, kuwaas ayaa la dallacsiiyaa sida Colaad iyo Cabdicasiis oo kale. Haddaba, bal magac u bixi kudladdan qabsatay idaacadaha BBC iyo VOA sida Cabdiraxmaan Yabarow, Cabdicasiis Xuseen, Maxamed Colaad Xasan, Falastiin Axmed Iimaan, Farxaan Jimcaale iyo Cabdiraxmaan Koronto, waa Koox shaqada ka soo wada bilawday min Isbaaradii, Dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi, illaa aasaaskii Idaacadda Horn Afrik, illaa gacan ku haynta BBC iyo VOA.
Jamaal Yaasiin, PHD/MPhil Candidate University of Birmingham
COMMENTS
|
Latest News
|