Published:

Garoowe(Haldoornews)-Kulamo iyo wada-hadalo maalmihii la soo dhaafay uga socday magaalada Garoowe maamulada Puntland, Jubbaland iyo dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa maanta laga soo saaray Go’aano muhiim ah oo lagu Gaaray muddo sagaal cisho ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shirar gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,kaasi oo dhawaan kahor yimid maamulka cusub ee Gal-Mudug.

Sidoo kale waxaa ra’iisul-wasaaruhu uu la kulmay madax uu hogaaminayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagana ka biyo diiday mooshinkii barlamaanka Soomaaliya ay ka keeneen sharci ahaanta barlamaanka Jubbaland.

Labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka hor-yimid xeer-hoosaadyo uu barlamaanka Soomaaliya siyaabo kala duwan u ansixiyay,iyadoo heshiiska lagu gaaray Garowe oo ka koobnaa afar qodob oo kala ahaa.

1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya;

Waxay isku raaceen ra’sul wasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

2. Midnimada Umadda Soomaaliyeed;

Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

3. Xiriirka Dawladda Federaalka Somalia & Maamullada Xubnaha ka ah;

Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

4. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed;

Waxay ku baaqeen ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

News Related