Published:

Waxaa jiro cuntoo badan oo u fiican caafimaadka caruurta aadna u koriya jidh ahaan iyo maskax ahaanba cuntooyinkaas oo aad u badan waxaan idiinka soo xulnay 9 cunto ee ugu horeeya waxaanay kala yihiiin.

1. CAANAHA:-Waxay aad u gu fiican yihiin caruurta waayo waxaa ku jira labada macadnoon ee kala ah calcium iyo phosphorous oo koriya lafaha,ilkaha iyo cidiyaha caruurta

2. BEEDKA:-Beedka waxaa ku badan boorotiinka oo kaalin wayn kaga jira kobcinta carruurta iyo waliba vitamin B oo kaalin wayn ka ciyaara kobcinta maskaxda,sidoo kale beedka waxaa kujira Omega-3 fattey Acid taas oo awooda maskaxda kor u qaada

3. YOGURT:- Caanaha dhanaan ama gadhoodhka ah waliba nooca looyaqaano Greek Yogurt waxaa ku badan booratiinka sidoo kale waxaa ku jirta bagteeriyada wanaagsan ee ilmaha u sahasha in uu iska difaaco xanuuunada gudaha

4. BARADHADA MACAAN:- Baradhada macaan waxay ka mid tahay khudaarta ugu nafaqada badan waxaa kujira vitamin A oo ilaaliya caafimaadka indhaha, baradhada macaan waxay leeday dhadhan wanaagsan oo caruurtu aad  u jecelyihiin. waxaana kale oo laga helaa vitamin E, waxaana ku jira macdano badan sida:- potassium,folate,culcium,iron iyo fiber

5.BOORASHKA:-Si ay caruurtu u helaan Energy ga ay u baahan yihiin waxaa la rumaysanyay in boorashka laga sameeyey sareenka laga helo energy badan waana waxa qudha ee ugu fiican in lagu quraacdo.

6.DIGIRTA:- Digirtu waxay hodan ku tahay macdanooyin badan sida:-  antioxidant, protein , calcium , fiber, iron iyo vitamin B kuwaas oo dhamaan ka qayb qaata koriinka ilmaha.

7.AVOCADA:–  Avocadhuhu waxa uu ka midyey cuntooyinka laysku raacay in ay ka midyihiin super food waxaana ku jira macdano aad u faro badan markaa la ogow in aad siiso ilmahaaga

8. CAMBAHA:- waxaa kujira maadada looyaqaano vitamin C,kaas oo u fiican  habdhista difaaca jidhka ee ilmaha, waxaa kale oo uu vitamin C u fiican yahay  caafimaadka ilkaha iyo ciridka.

9. KALLUUNKA:- waxaa fiican in todobaadkiiba laba jeer la siiyo caruurta 25 ilaa 35 gram oo kalluun ah maxaa yeelay waxa uu qani ku yahay ama uu   caawiya korniinnka maskaxda iyo indha ilmaha.

 

News Related