|
|||
Gabileynewsonline.com
Maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan oo xilkii wareejiyey
July 5, 2015 - Written by adminMaayar kii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku-xigeenkiisii Maxamed Muxumed Faarax-Dheere ayaa maanta xilkii wareejiyey.Xaflad weyn oo ay ka soo qayb-galeen madax-dhaqameedka Awdal, Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax”, Agaasimaha Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Awdal iyo dadweyne tiro badan. Guddoomiyii hore ee Golaha Deegaanka Boorama oo u muuqday nin wax tirsanaya ayaa sheegay in tartankii lagaga guulaystay uu adkaa laakiin ay Maydhane guushu raacday kadib markii laga hiiliyey.
Maayarkii hore wuxu sidoo kale beeniyey warar la isla dhex marayey oo sheegayey in uu ka daba tagi doono Suldaan Wabar oo ay jifo hoose isku yihiin.
Saleebaan waxa uu sheegay intii uu guddoomiyaha ahaa uu mashaariic tiro badan fuliyey isla markaana ay ku guulaysteen. Sidoo kale wuxu xusay in uu ka shaqayn doono horumarinta Somaliland.
Saleebaan Xaddi wuxu si dadban u sheegay dhinaca uu mustaqbalkiisa u jeedinayo wuxuna yidhi.
Maayarka cusub oo xafladda hadal kooban ka jeediyey wuxu xildhibaannada Boorama ka codsaday in ay la shaqeeyaan si uu masuuliyaddiisa habsami ugu guto. Badhasaabka Awdal iyo Madax-Dhaqameedka Awdal oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa xildhibaannada golaha deegaanka ee Boorama kula dardaarmay in ay garab galaan Maayarka cusub ee Boorama.
COMMENTS
|
Latest News
|