Published:

Maayirka Magallada Burco Mohamed Muraad Waa Mid Ka Mid Ah , Maayirada Ay Ragaadisay Musuq-Maasuqa Iyo Aqoondarada Iyo Waliba Xilka Uu Hayo Oo Ka Awood Badiyay.

Waxaanu La Daalaadhacayaa , Awood Darro Uu Ku Maamulo Xilka Uu Hayo Shacab Waynaha Gobolka Togdheer Oo Noqday Qaar Uu Hiloobay In Ay Helaan Maayir Aqoon Iyo Hawl Karnimo Leh, Ayaa Gebi Ahaanba Ku Hungoobay Ina Muraad

Maayire Muraad Ayaa Ah Kan Ugu Awooda Jilicsan Maayirada Dalka Inta La Og Yahay, Waxaanu Wali Taagan Yahay Halkii Uu Taagnaa Markii La Doortay ,Walina Muu Muujin Wax Waxqabad Ah Oo La Taaban Karob  Waxaanu Shilinka Umada Uu Samaystay Accoun Gaar Uu Ah Oo Isagu Leeyahay , Kuna Shubo Lacagta Shacabka  Gobolka Togdheer.

Waxa Kale Oo Dul Hoganaayo Eedaymo Iyo Fadeexado Balaadhan Oo Uu Ky Sameeyay Mashaaric Fara Badan Oo Gobolka Wax Badan Ka Bedeli Lahaa Waan Tan Keentay In Gobolku Noqdo Mid Ka Aradan Gebi Ahaanba , Horumarkii Loogaa Baahnaa In Ay Samayso Dawlada Hoose Ee Degmadu, Waana Mid Eediisu Dul Hoganayso Maayirka Degmada Burco Ina Muraad.

Waxaa Uu Musuq-maasuq Baahsan ku  Sameeyay Mashruucii JPLG Waxaanu Ugu Tagri Falay  Danihiisa Gaarka Ah , Isagoo Uu Isticmaalay Habo Sharciga Baal-Barsan Oo Dhac Iyo Boob Badheedh Ah , Waxaanu Maalin Cad Khiyaamo Qaran Iyo Mid Shacaba Kula Kacay Dad Waynaha Gobolka Togdheer Oo Imika Quus Ka Jooga Maayir Ina Muraad.

Waxaa Uu Madax-Waynaha JMS Ugu Yeedhay Wadooyin Uu Yidhi Maayirka Waxaa Laga Hirgeliyay Magaallada Burco , Maalintu Madax-Waynuhu Xadhiga Ka Jaray Kamay Danbayna Wadooyinkaasi Gebi Ahaanbana Waxay Isku Bedeleen Ciid Iyo Dooxyo Camuudi Jiifto

Waxa Uu Maayir Ina Muraad Uu Habacsanaan Badani Ka Muuqataa Habka  Uu Shaqaynt Xafiiskiisa , Waxaanu Subixii  Yimaada Maalintu Ugu Soo Horeeyo 9:00 Subax Nimo Halka Subxaha Qaarn Aanu Ka Soo Hor Wareeginba Xafiiska.

Qodobadan hoos Ku Xusani Waxay soo Koobayaan Maayir Ina Muraad  Iyo Waxa Sababay In Uu Dhex  Maquurtay Xilka Maayirnimo Ee Loo Dhiibatay.

  • Xilka Uu Hayo Ka Awood Badiyay Isagoon Aqoon Durugsan Uu Lahayn Arimaha Siyaasada Khibradiisuna ku Kooban Tahay Macalinnimo
  • Karti Yaraan Iyo Musuq-maasuq Baahsan Oo Uu Kula Dhex Jiro Golaha Deegaanka Burco
  • Awood Darro Uu Ku Maamulo Golaha Uu Hogaanka Ka Yahay

 

Tani Waxay Ku Tusinaysaa In UU Gebi Ahaanba Maayir Ina Muraad Uu Xilka Meel Dhow Ilahay Uga Dhiibay Ragg Badan Oo Ka Mid Ah Golahan Ay Ka Mudnaayeen In Ay Xilkaa Qabtaan , Wax Qabad Badana Muujin Lahaa Shacabka Gobolkuna Ay Kalsooni Badaan Ku Qabaan .

Abdizamad Hassan Ahmed

Somaliland/Burco

Abdimacalin@gmail.com

News Related