Madaxwaynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xil-ka-Qaadis Ku Sameeyay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare Gudaha ka akhri Xubanaha la magacaabay iyo kuwa xilalka laga qaaday.
July 26, 2015 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;
Markuu Isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;
Wuxuu Go’aansaday
1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Adan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
8. In Mudane, Yaxye Cali Idiriis, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xilka qaadis
Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta
1. In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.
2. In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.
3. In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale.
ALLAA MAHAD LEH