Published:

 

Hargeysa(Haldoornews)- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan Saylici ayaa la sheegayaa inuu Madaxtooyada Dhexdeeda kaga dhawaaqay inuu iska Casili doono Xilka uu Qaranka u hayo haddii aanu Madaxwaynihii Qaranku Talada Dalka Waxba ku layn oo Madaxtooyada Qoyskiisii Duulaan ku hayaan.

Xogo Lagu Kalsoonyahay oo Shabakada Haldoornews.com ka heshay Arintaasi ayaa Tibaaxaya in Goobtaasi doodi ku dhex-martay Madaxweyne ku xigeenka iyo Marwada Qaranka oo ay Hareero taagan yihiin Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam oo Taliyaha Ciidanka Police Farayey inay xabsiga soo dhigaan Musharaxa Madaxweyne ee Xsibiga Ucid, Jamaal Cali xuseen iyo Gudoomiyaha Xsibaga Wadani, Muj Ibraahin dhega-weyne. Muj Xasan Guure. Waxana uu arrintaas markii uu maqlay Madaxweyne ku xigeenka somalialnd Md Saylici dhawaaq dheer kaga jawaabay oo yidhii “Idinku ma dalka ayaad maamushan mee Madaxweyihii aanu xaalada dalka ka wada-hadalnee”. Waxaanay Xogtu intaasi raacisay

“Hadii Aan La Hayn Madaxweynihii La Ilaa Doortay Meeshan Waxba Ma Yaalan Ee Amaanada Shacabkii I Doortay Waan Uu Celinayaa oo saacadaas laga bilaabo waan is-casilayaa.

waxa ay wararku intaa ku darayaan Markii uu intaas yidhii Madaxweyne ku xigeenku waxa uu deg-deg uu fuulay Gaadhigiisa, isagoo markii danbena toos uga baxay Madaxtooyada waxana uu toos uu tagay Gurigiisa.

Weedhihii Madaxweyne ku xigeenka ayey wasiiradda maaliyaddu isku day-day inay dejiso xaaladda madaxweyne ku xigeenka taasina waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kaga dareen celiyey inuu Faro-gor-gor uu qabsaday wasiiradda maaliyadda waxana dhawaaq kale, ka soo bxin Marwada oo iyaduu sii wadatay aamarkeedi ahaa in Xabsiga la dhigo labada musharax ee Xisbiyada Mucaaridka ah, oo Taliye Fadal iyada ayuu si weyn uu qadarenaayey”.

Geesta kale, waxa ay wararku intaas raaciyeen, inuu saacad kadib meesha soo gaadhaay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi kaas oo la faqay Marwada madaweynaha iyo wasiiradda maaliyadda waxana ay soo fartay marwadu inuu u jawaabo Mucaaradkia intaa uu kaxaysto Wasiirka warfaafinta somaliland dhacdaadaas oo shalay dhacday inay madal soo wada-fadhiistaan Muuse Bixi iyo Baashe, wasiir Cukuse oo dhamaantood jawaabo dar jiidh ah hawada uu mariyey asxaabta Mucaaridka ah.

Muse bixi iyo Madaxweyne ku xigeenka somalialnd C/raxmaan saylici ayaa ahaa labadii masuul ee Xukuumada iyo xisbigeeda uu qaabil-sanaa heshiiskii Xisbiyada iyo Xukumada oo ahaa mid meesha ka saareyey mudo kordhintii Guurtida.

Madaxweyne siilaanyo ayaan la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay isagoo af-ka xidhay warna aan uu hayn xaaladda siyaasadeed ee dalku galay iyo inay mudadi ka dhamaatay iyo in kale, waxanay bulshadu si weyn uu taw-day taladii looga baahnaa Madaxweynaha inay meesha ka baxday waxana labadii qof ee iska horyimaada is-weydiinayaan Mee Madaxweynuhu ku yimmi Codkeena.

 

Haldoornews.com

haldoornews@hotmail.comSaylicii

source: Xogreeb.

News Related