|
|||
Gabileynewsonline.com
Madaxwayne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland kula tukaday Masjid Jaamac Hargeisa iyo Dadwayne Tiro badan oo isugu Soo Baxay Goobaha Salaada Ciida lagu Tukanayay.
July 17, 2015 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siiilanyo) iyo raxan ka tirsan Golahiisa Wasaaradda iyo Taliyaayaasha Ciidamadda ayaa Shacabka kula tukaday Masjid-jaamaca Weyn ee Badhtamaha Magaaladda Hargaysa,waxaana uu Madaxweyuhu ku hanbalyeeyay Shacabka Munaasiabddan qaaliga ah,isaga oo Ilaahay ka baryay inuu Sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo Bash,horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland ka hesho Bulshadda Caalamka. Dhinaca kaelna,wararka naga soo gaadhay goboladda iyo degmoyinka kala duwan ee Dalka,ayaa sheegaya inay dadku si wanaagsan oo nabdoon u guteen Salaaddii Ciidda,iyada oo Madaxda heer iyo gobol Iyo mid Degmo iyo Xubno Wasiiro ah oo Caasimadda ka guureeyay kala qeyb galeen Tukashadda Salaadda,isla markaana ay u jeediyeen Khubaddo taabanaya guud ahaanba Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Dalka. Haldoornews.com
COMMENTS
|
Latest News
|