|
|||
Gabileynewsonline.com
Madaxweynaha Somaliland oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo+Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo Dadweynaha kala Hadlay Meel Fagaare ah…….Daawo warkan
July 30, 2015 - Written by adminHargeysa(Haldoornews)-Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland hogaaminaayey oo soo dhawayn aan loo kala hadhin kala kulmay shacbiga ku dhaqan ceerigaabo. Weftiga Madaxweynaha oo gaadhay ceerigaabo oo maalmahanba aad looga dhegtaagayey safarka madaxweynaha ayaa waxa si weyn isugu soo baxay konayaasha magaalada ceerigaabo madax-dhaqamadeedka, waxgaradka, waayeelka oo aad isu soo abaabulay waxay caleemo qoyan, durbaano, iyo haween iyo rag ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah ceerigaabo aankana ay ku tahay, oo safar dhaadheer taxnaa, waxaana hareero joogay Boqoro, Ugaasyo, Salaadiin iyo Chief caaqilo aad u farabadan. Madaxweynaha salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ku sugnaa duleedka magaalada ayaa loo soo gelbiyey dhinaca magaalada ceerigaabo oo ay dad aad u tiro badani tubnaayeen wadooyinka ilaa beerta nuura oo uu madaxweynuhu shacbiga kala hadlay. ugu danbayna waxa weftiga madaxweynaha loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee sanaag halkaas oo weftigu ay u hoydeen caawa.
COMMENTS
|
Latest News
|