Published:

Waxa si weyn u soo if-baxaya warar sheegaya khilaaf ka dhex-curtay Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwaddiisa Aamina Waris, salkana ku haya cida noqonaysa Musharaxa dhabta ee Jagadda Madaxweyne-nimo Xisbi-xaakimka KULMIYE uga qaybgali doona Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda ee soo socota. Kaasoo la sheegayo inay midba dhiniciisa u jiidayo cida uu doonayo inay Jagaddaas cal-fadto.

Il-wareedyo aad loogu kalsoon yahay, una dhuun-daloola Xarunta Qasriga Madaxtooyadda, ay shaaciyey soo shaac bixista khilaafkan iyo xudun-dhexaadkiisa. Iyadoo uu dibedda u soo baxay khilaafka ba’an ee kala hala-keeyey lamaanahan is-qabaa Isniintii toddobaadkan taariikhduna ahayd 13/07/2015-ka. wakhtigaasoo uu Madaxweyne Siilaanyo si toos ah ugu sheegay xaaskiisa [Aamina Waris] damaciisa iyo rabitaankiisa cida uu la doonayo inay noqo Musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga KULMIYE uga qaybgali doonta tartanta Doorashadda Madaxtooyadda
oo ku tilmaamay inuu yahay siyaasi ay isku beel yihiin, una diyaar ah buuxinta jagaddaas. Inkastoo aanu magacaabin magaca uu huwan yahay shakhsiga uu wataa. Isagoo sidoo kale u cadeeyey Aamina Waris inuu sidaa u yeelayo inaanu doonaynin inuu Xisbiga si toos ah uga dhaxal wareejiyo beeshiisa, maadaama oo aanu isagu wakhti xaadirkan aanu musharaxnimo iyo tartan dambe aanu qaadi Karin. Sidoo kale waxa ilahani intaas ku dareen inuu xaaskiisa faray inay faraha kala baxdo
wax uu ugu yeedhay arimaha musharaxnimada Xisbiga ee ay gacmaha kula
jirto.

Dalabka Siilaanyo iyo amarka is-huwan ee uu faray xaaskiisa, ayaa isla markiiba waxa ka dhashay khilaaf ba’an. Iyadoo Aamina Waris-na halkaas ku tiraabtay inay doonayso kana go’an tahay inuu Xisbiga Musharax u noqdo Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay u cadaysay inay waxba kama jiraan tahay damaciisa oo ay ku sifaysay mid aan shaqaynayn maan-gaabniman ah.

Badheedhahan aadka u kala fog ee lamaanaha Is-qabaa waxa uu kiciyey markii uu dibedda u soo baxay loolan adag oo ah Quud aan jirin Qoryo ha u gur’an, kaasoo ka dhex-qarxay Kaadiriyiinta KULMIYE dusha ka eegta ee Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis. Iyadoo si weyn-na looga dareemay habeenadii u dambeeyey guddaha caasimadda kala qaybsanaanta iyo kala jiidashada taageerayaasha labadan masuul ee beesha ka soo jeedaan ee galbeedka Hargeysa.

Khilaafkan iyo hadal haytiisa, ayaa si weyn looga dareemayaa goobaha ay dadweynaha reer Hargeysa ku kulmaan. Iyadoo shacabku ku sifeeyey arin xiiso gaar ah leh. Marka loo eego lamaane qaba iskuna khilaafsan arimo siyaasadeed. Iyadoo fikirka dadkuna u badan yahay cida guushu ku dambayn doonto tahay Marwadda. Halka ay qaar kale-na fikirkooda ku saleeyeen arin dhaqan xumo iyo meel ka dhac ku ah sumcadda qaranka inay hogaamiye la doortay iyo xaaskiisu arimaha xusuusiga ah ee siyaasadda ka wadda hadlaan, isla markaana ay cadaynayso xanta
suuq-yadda ah ee inta badan farta ku go’da awooda maamul ee ay qaranka
ku leedahay Marwo Waris.

Si kastaba ha ahaatee, lama saadaalin karo halka uu ku dambayn ama saldhigi doono khilaafka u dhexeeya lamaanaha iyo cida guulaysan doonta Siilaanyo iyo Aamina Waris. Iyo waliba saamaynta tog’an ee uu yeelan doono. Hase yeeshee bishii bilataaba horteena ayey iman.
Mawliid Jamaal
Mawliid7777@gmail.comgab

News Related