|
|||
Gabileynewsonline.com
“Madaxweyne Siilaanyo Somaliland Wuu Uga Tacab Badan yahay Cirro oo u Shaqaynayay Soomaaliya”
July 8, 2015 - Written by adminAfhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu xisbiyadda mucaaridka ah iyo kooxda sharci darrada ah ee Madashu ay u jeediyeen xukuumadda oo sheegayay inay Somaliland heshiis fedaraal la qaadatay, taasi oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah. Afhayeen Dhuxul oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aan lagu tilmaami karin inuu shacbigiisa khiyaameeyo, isaga oo tusaalle u soo qaatay kaalintii uu Madaxweynuhu ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka.
Dhuxul oo si gaar ah ula hadlayay Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo waa Hoggaamiye dadkiisa u soo shaqeeyay oo u soo halgamay oo tacab badan u soo galay, qofku haddii uu qaranka kaaga tacab badan yahayna, waxa xaqiiqo ah inuu kaaga lex jeclo badan yahay. Guddoomiye Cirro waxa uu xiligaa loo halgamayay qaranimadda Somaliland uu la shaqeynayay Siyaad Barre oo uu illaa maalin dhawayd uu u shaqaynayay Soomaaliya.”
Afhayeenka oo warbaahibtu weydiisay inay habboonayd in eedahaasi uu Wasiirka Madaxtooyadu ka jawaabo, waxa uu ku jawaabay “Tan aad imika wax iga weydiinaysaa waxay ku jirtaa qaranimada inaan difaaco xaq baan u leeyahay, waa waxaan u taagan nahay oo sharafta qarankeenna iyo Madaxtooyadeennu leedahayna iska dhaaf aniga, qofk kasta oo Muwaadin ah baa xaq u leh inuu ka jawaabo. Sharaftadaasi iyo qaranimadaa inuu ilaaliyo.”
COMMENTS
|
Latest News
|