Published:

Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn (R) applauds comments in Amharic language by U.S. President Barack Obama (L) during their news conference at the National Palace in Addis Ababa, Ethiopia July 27, 2015. The economy of Ethiopia is forecast to expand by more than 10 percent, although rights groups say Addis Ababa's achievements are at the expense of political freedom. REUTERS/Jonathan Ernst
Ethiopia’s Prime Minister Hailemariam Desalegn (R) applauds comments in Amharic language by U.S. President Barack Obama (L) during their news conference at the National Palace in Addis Ababa, Ethiopia July 27, 2015. The economy of Ethiopia is forecast to expand by more than 10 percent, although rights groups say Addis Ababa’s achievements are at the expense of political freedom. REUTERS/Jonathan Ernst

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo RW Itoobiya, Hailemariam Desalagn oo kawada hadlay Xxaaladda Soomaaliya ayaa Ammaan u jeediyay ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.

Obama iyo Desalagn oo shir jaraa’id wadajir ugu Qabtay Addis Ababa shalay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay door wanaagsan ka qaateen howlgalka AU-da ee Somalia, isagoo bogaadiyay horumarka laga gaaray Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Obama ayaa isna cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ka geysteen Muqdisho, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay u taagan tahay burbur iyo inay wax dilaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Obama ay isla garteen in laga Shaqeeyo Dhismaha Nabadda Somalia iyo in Hay’adaha Dowladda FS la Taageero, isla markaana la xojiyo ciidamada Somalia.

“Waxaa isla-garannay inaan kawada shaqeyno nabada Soomaaliya, innagoo ka caawinayna dhismaha hay’adaha dowladda, isla markaana xoojineyna ciidamada Amniga Soomaaliya si loo gaarsiiyo inay la wareegaan mas’uuliyada Amaanka dalkooda,” ayuu Desalagn yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in isla garteen Obama xoojinta ololaha ka dhanka ah Argagixisada Gobolka, iyagoo wadajir ah u bogaadiyay horumarka AMISOM iyo Ciidamada Somalia ka sameeyeen dagaalka Al-shabaab.

Dhankiisa Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay inaan si fudud looga adkaan karin Argagixisada, wuxuuna xusay in Dowladda Somalka ay tahay mid aanu awood lahayn ciidankeeda, isagoo cadeeyay inay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo laaban lahayd Somalia.

“Ma jirto baahi aan Ciidamo u geyno Somalia, Ciidamada Itoobiya ayaa dagaalka aad xariif uga ah, kuwa Kenya iyo Uganda waxaa ka go’an inay howsha qabtaan, iskaashiga dhinaca ammaanka waa mid ku wajahan caabinta xagjirnimada gacan ka hadalka wadata, Itoobiya halis weyn ayay qabtaa, Qaraxii Muqdisho ka dhacay wuxuuna xusuusinayaa in Al-shabaab u taagan tahay inay wax uun bur-buriso, waa inaan joojinaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Obama.

Wuxuu Madaxweyne Obama intaas raaciyay in ciidamada Itoobiya ay gacan ka geysteen labo magaalo oo Al-shabaab laga saaray toddobaadkii hore, waxaana uu ku boorriyay inay sii wadaan cadaadiska ay Al-shabaab ku hayaan.

Ugu dambeyn, maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Mareykanka Obama uu khudbad ka jeediyo Xarunta Ururka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa, isgaoo sidoo kale la kulmi doona Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Delamni-Zuma.

 

News Related