Published:

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argigixisadu badhtilaameed ka dhigayaan shirka ganacsiga aduunka oo qabsoomaya 24 ilaa 26 july.

Waxaana ay Dowladda Maraykanka digniin xaga safarka ah kasoo saartay dalka Kenya xilli dalkaasi uu booqanayo Madaxweyne Barack Obama, oo la filayo inuu ka qayb galo shir ku saabsan ganacsiga caalamiga ah.

Waaaradda arrimaha dibada ayaa usoo jeedisay muwaaniniinta Amerikaanka inay kor uqaadaan feejignaantooda amni ilaa iyo inta laga gaadhayo 30 july waqtigaas oo ku eg digniinta safarka.

Madaxweyne Obama booqashiisa Kenya ayaa noqondoonta markii ugu horeysay oo wadanka uu aabbihii kasoo jeedo tago isagoo ah madaxweynaha Maraykanka.

Bishii lasoo dhaafay, Britian ayaa kor uqaaday digniinteeda ka dhanka ah xaga safarka gobolka xeebta oo ay ku jirto Mombasa.

Sanadkii 2013, ugu yaraan 67 dad ah ayaa lagu dilay weeraro Alshabaab ku qaadeen suuqa ganacsiga westgate mall ee badhtamaha magaalada Nairobi.

 

Haldoornews@hotmail.com

Haladoornews.com

obama

News Related