|
|||
Gabileynewsonline.com
Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Amin Waris ayaa deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.
July 12, 2015 - Written by admin
Waxaanay sheegin in xanuunkani uu dadka ku dhaco inta badana lagu guulaysto in laga xidho biyaha kaga furan madaxa halka kuwana marka qaliinka lagu sameeyo sida ilmahan yar oo kale ay ku sii bataan marka ay istaagto tuunbada biyaha ka soo qaada. Marwada oo dareen hooyonimo awgii ka damqatay xaalada ilmahan yar ayaa deeq lacag ah gudoonsiisay hooyada ilmahan yar dhashay una ducaysay in alle shaafiyo ilmahan yare e sabiga ah, ka dibna waxa ay marwadu soo kormeertay guud ahaan bukaankii ku sugnaa waadhadhka, iyada oo qof qof ugu ducaysay marwadu allena uga bariday inuu ka dulqaado xanuunka oo uu ugu bedelo caafimaad sareecana.
Ugu danbayna marwadu waxa ay maamulka cusbitalka ku wareejisay xoolo nool oo ay ugu talo gashay in maalinta ciida hadii alle qadaro loo qalo bukaanka, waxaana kala wareegay oo uga mahadnaqay marwada deeqdan xoolaha ah agaasimaha guud ee cusbitalka Dr. Axmed Cumar Askar. Sidoo kale waxay marwadu kormeer iyo deeq xoolo ah gaadhsiisay Cusbitalka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyada oo marwadu soo kormeertay Caruurta ku sugan cusbitalka ee xanuunada u jiifa waadhadhka waxaana marwada war bixin ka siiyey dhakhaatiirta caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin, waxaanay marwadu caruurta mid mid u soo martay uguna ducaysay in alle shaafiyo kana dulqaado xanuunkanada.
COMMENTS
|
Latest News
|