Published:

Inta badan culimada cilmiga bani aadamku waxa ay ka hadlaan is barbar dhigga ragga iyo dumarka. Maxay ku kala duwanyihiin? Maxay ka simanyihiin ee isaga mid yihiin?. Waxa in badan aad aragtaa xikmado laga sameeyey is barbar dhigga Adam iyo Xaawa. Waa mawduuc iska furan oo qofba dhinaciisa wax kaga darsado. In badan waxaad aragtaan qoraalo ciwaankoodu yahay “Maxaa Laga Yidhi Ragga Iyo Dumarka” qormadan kooban waxa aynu ku soo qaadan doonaa arrin aan kuwaasi hore wax sidaasa kaga duwanayn. Waa is barbar dhig kooban oo xikmad ah oo laga yidhi ninka iyo naagta.
Gabadhu waa qoys iyo ummad iyo waliba waddan dhan.
Ninkuna waa awoodii dhulkaasi ilaalinaysay.
Gabadhu waa naxariis, deganaansho ay dhedignimo weheliso.
Ninkuna waa xoog iyo raganimo awoodi weheliso.
Gabadhu waa goob diirimaad, dugsoon iyo xanaano.
Ninkuna waa goob rajo, naxariis iyo ammaan.
Gabadhu waa wasiirka arrimaha gudaha, gurigu inta ay joogto waa nabad.
Ninkuna waa wasiiirka arrimaha dibada waxa uu ilaaliyaa wixii dibada kaga soo duulaya gurigaasi.
Gabadhu marka ay ilmaheeda koolkooliso ee u soo jeedo, waxa ay dareentaa awood.
Ninkuna marka uu soo jeedo caruurtiisa oo farxad iyo daganaani ka muquuto ayuu awoodaystaa.
Gabadhu ma qurux badna hadii ay qaadato shaqada iyo doorka ninka.
Ninkuna ma qurux badna hadii uu qaato shaqada iyo doorka gabadha.
Gabadhu waa ilmo qubanaysa. Ninkuna waa ka ilmadaasi masaxa ee ka tirtira ee masaxa.
Gabadhu waa sirta liibaanta guriga. Ninkuna waa sirta liibaanta adduunyada.
Gabadhu way toosnaan inta aanay waxba khiyaamayn. Ninkuna wuu khiyaamayn inta aanu arkayn cid toosan.
Gabadhu waa ay hadli si uu u dhagaysto ninku. Ninkuna waa uu aamusnaan si uu u dhagaysto inta ay gabadhu hadlayso.
Gabadhu waa ay dhoolacaddayn. Ninka xariifka ahina waa ka sababta u ah dhoollacadayntaasi.
Gabadhu waa gacanta midig ee ninka. Ninkuna waa faraha gacantaasi midig.
Gabadhu waxa ay ninka kaga xoog wayntahay cadaawadda dhedignimadeeda. Ninkuna waxa uu gabadha kaga xoog waynyahay saamaxaadda raganimadiisa.
Gabadha iyo ninku: Waa kuwo waaweyn hadii ay u gutaan masuuliyadoodda is-faham, run iyo jacayl.
Quruxda gabadhu waa marka ay muujiso gabadhnimadeeda wanaagsan ee Dheddignimo sida Xiishoodka.
Quruxda ninkuna waa marka uu muujiyo raganimada wanaagsan sida Hawlqabadka iyo Muujinta Awoodda Labnimo ee Rabbi SWT siiyay.

News Related