|
|||||
Gabileynewsonline.com
Moorgan iyo Mahuraan:Wareysi Suugaaneed Xiiso badan Oo Baashe Moorgan Lala Yeeshay
July 31, 2015 - Written by adminMoorgan… Gacan-ku-dhiigle Moorgan.. Moorgan iyo Faqash.. Mujaahid Moorgan.. General Moorgan.. Waa magac aan weligii maqli jiray, dadkuna garanayaan, weliba ay aragtiyo kala duwan laga qabo. Magaciisa dhammayska tirani waa Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre misana xidid la ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya. Intii aanu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegin ayaan arkay mareeg la yidhaahdo www.somaliland,org oo si xagjir ugu hadasha afka Xisbiga KULMIYE, welibana si qaawan u weerarta xitaa dadka xisbiga ku jira ee ay Guddoomiye Siilaanyo is-qabtaan. “Waxa leh wiil ay madaxweynaha inantiisa qaba, oo lagu magacaabo Baashe Cawil” ayaa la igu yidhi. Judhiiba inuu ninkani hore u soo fadhiyo ayaan dareemay. 27kii Julaay 2010ka markii uu Siilaanyo la wareegay kursiga ugu sarreeya talada dalka ayaan arkay Baashe Cawil Xaaji Cumar oo magaciisa iyo saamayntiisuba kor u kaceen. Waa ninkii isaga ahaa oo sita magacii Moorgan. Safarro dibadeed oo uu raacay, mashaariic uu dhuunta u fadhiyo, dawladda oo uu dhex boodayo, falal badan oo uu sameeyay ayaan la yaabay. Tallaabooyinkiisu waxay ka baxsanayeen xuduudda gacaltooyada/xididnimada. Ninkani wuxuu si buuxda u adeegsan jiray awoodda madaxtooyada. Ma maqli jirteen “dameeri isku hallayn ayay hooyadeed dababada uga nuugtaa”. Maamuuska dawladnimo ayuu meel-ka-dhac iyo boog ku ahaa. Haddaba waxa yaab igu sii ahayd markaan arkay isaga oo loo magacaabay Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo dal aynu ka sugaynnay mashaariic badan sida biyaha, lana hadal hayay in lagu wareejinayo dededda caalamiga ah ee Berbera. “Illeen tan xukuumadi ma xishooto” ayaan hore u maqlay. Baashe Moorgan waxa aan la yeeshay wareysi suugaaneed. Laba magac oo Moorgan iyo mahuraan ah ayaanu kala sidannaa. Waxyaabaha uu soo hadal-qaadayo waxa ka mid ah mashaariic badan oo la siiyay dad Madaxtooyada la ehel ah sida mashruucii madaarka Hargeysa, mishiinkii gawaadhida baadhayay ee Berbera ay Golaha Wakiilladu diideen, dhul u dhow Dekedda Berbera oo qoyska iyo tolka madaxweynuhu qaateen, shidaal-baadhista sida loo maroorsaday, buurta SIIMOODI ee la guranayo IWM. Haasaawihi sidan ayuu u dhacay Mahuraan dal jecel iyo Illaa maalintii uu Wuxuu Moorgan igu yidhi Markayaga dadweynow Wuxuu Moorgan igu yidhi Wuxuu Moorgan igu yidhi Mar labaadna dhagax-shiid Inta maal-qabeenee Wuxuu Moorgan igu yidhi Khadar Maxamed khadarmfr@hotmail.com
COMMENTS
|
Latest News
|