Published:

Waa ereyo ka mid ah kuwa aynu sida joogtada ah u isticmaalno oo qaab maadays ah uu u turjumay nin faylasuuf ahaa. Erey kasta waxa uu siiyey macne ciddii fahamta leh macne iyo xikmad fog:

Sigaarka: Waa duub buuri ah oo dhanna dab ka baxayo dhanka kalana nacas afkiisa ku hayo.

Wada hadal: Waa keegga oo loo qaybsado saami qof kastaa u qaato in uu isagu qaatay qaybtii ugu badnayd.

La Soco: Waa erey muujinaya inaad hayso wax badan oo aad tidhaahdo.

Waayo-aragnimadu: Waa khaladaadkii aad intii noloshaada hore u soo gashay oo la ururshay, si dib looga faa’idaysto.

Faylasuuf: Waa miskiin noloshiisa oo dhan silic ku dhammaysta marka uu dhintana halyeynimo lagu xasuusto ama qof aan waxba u tarin uu bilaash kaga faa’idaysto ereyadiisii.

Diblumaasi: Waa qof kaa doonaya inaad naarta qabato laakiin kuugu dhigaya hab aad xiisayso, sugina kari weydo inta aad ka gaadhayso.

Maamule: Waa nin marka aad goor hore timaaddo dib u dhaca, marka aad habsaantana soo kallaha.

Siyaasi: Waa nin doorashada ka hor si uu kalgacal kuugu muujiyo gacanta kuu lulaya, doorashada kadibna kalsoonidii aad u haysay lula.

Saaqid: Waa arday ugu horreyn lahaa ugu sarrayn lahaa fasalka haddii aanay arday kale joogi lahayn.

Guurka Waa mawduuca keliya ee ay dhammaan dumarku isku waafaqaan wanaaggiisa, ragga oo dhamina isku khilaafaan.

Dumarka: Waa makhluuqa ugu hadalka badan noolaha, haddana qariya kala badh waxa ay og yihiin.

Caajiska: Waa qofka oo raaxo doona isaga oo aan daalin.

Dhakhtar: Waa nin qaata kharashka iyo sumcadda daweynta qofka iyada oo runtu tahay in Alle daweeyey.

Quruxda: Sawir kamaradeed oo is beddelka waayaha iyo waqtigu ka dhigaan sawir gacmeed.

Inanta quruxda badan: Waa ta dhexda yar ee caqliga badan.

Sayga: Waa nin gabadhiisa ka doonaya inay yeaalato tilmaamo ku dayasho mudan, isla markaana ay isaga qaladaadkiisa isaga indho tiri lahayd ugana cafiyi lahayd.

Qareen: Waa nin difaacaya lacagta qofka wakiishay si uu qayb uga helo.

Dhakhtarka Ilkaha: Waa nin risiqiisa kala soo baxaya qof kale afkiisa.

Dimlumaasi: Waa nin xasuusan dhalashada xaaskiisa, laakiin da’deeda illowsan.

Khibrad: Waa udub dhexaadka ay dadka caqliga lihi ku dhisaan noloshooda.

Calool xumo: Waa Folkaano ka holcaya laabta qofka.

Nolosha: Waa dhalanteed iyo dhalaal ku dhammaada masiibo.

Weriyaha idaacadda ama Talefishanka: Waa ruux dadka oo dhan ku yidhaahda, dadkaygii aan jeclaayoow, isaga oo aan hal qof ka garanayn.

Raalli Gelin: Waa baasaboorka lagu maro qalbiga dadka dhexdiisa.

Dhunkasho: Waa hadyadda keliya ee isla marka la ina siiyo aynu dhaqso uga abaal gudno.

Askari: Waa caqliga keliya ee ay ku jirto cid walba muquuni.

Basaas: Waa nin noloshiisa u huray inuu qof kasta ka daba nadiifiyo xamaamka uu galo.

News Related