Published:

Oloolaha loogu jiro Jagooyinka Sarre ee Xisbiga Kulmiye ayaa Todobaadadii ugu dambeyey soo shaac baxay iyada oo Magaalooyinka Somaliland aad looga hadal hayo ciida ku soo biixi doonta Musharaxnimada  Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkii ee Xisbiga Kulmiye uga qaybgalindoona Doorashooyinka Soo socda.

Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo aanu Warbaahinta si cad uga sheegin in uu ka Tanaasulay Musharaxnimada Doorashooyinka Soo socda, hadana warar xogogaal ah oo la helayo ayaa saadalinaya in aanu Madaxweyne Siilaanyo  wakhtigan u diyaar ahayn in uu Xisbiga Kulmiye dib Musharax uga noqdo, taasi ayaan dhaliisay in Ragg Baddan oo ah Siyaasiyiin i Xilal culus ka haya Xukumada Siilaanyo iyo kuwo aan ka haynba ay soo Bandhigaan Hankooda Siyaasadeed ee ah in ay Xisbiga Dhexdiisa ay ka tartamaan.

Iyada oo Muddo koobani ka hadhsan tahay wakhtiga uu qabsoomayo  shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo ku beegan Bisha September ayaa Siyaasiyiinta hamiga siyaasadeed lehi ay si hoose u waddan Shirar hoose oo ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan dadka ay la kulmayaan.

Musharixiinta illaa Hada ololaha balaadhan ku jira ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu u tafoxaytay sidii uu ugu so bixiilahaa Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye.

Maxamed Biixi ayaa muddooyinkii u danbeyey wadday kulmo hoose oo uu la yeelanay dad baddan oo u urko in ay siyaasad ahaan Taageero uu ka helayo, waxanay wararku sheegayaa in uu sameystay Xulaafo adag oo Xilal ka haya Xukumada kuwaasi oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan oo Imika ay Maxamed Biixi isku Fikir yihiin.

Wasiir Xirsi ayaa la sheegay in Sababta uu u taageerayo Maxamed Biixi ay tahay in uu isaguna ku soo Baxo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, isla markana labbadoodu kala noqdaan Musharax iyo Guddoomiye.

Waxa kale oo Wararku Sheegayaan in Wasiir Xirsi intaanu Noqon Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu doonayo in uu isku Soo sharaxo Golaha wakiilada ee Somaliland, isla markanaa haddii uu ku soo baxo Xildhibaanimada Golaha wakiilada uu u sii Gudbo in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha wakiilada, isla markaan uu isku hello labbada jaggo ee kala ah Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna loolan ugu jira sidii uu u noqon lahaa Musharax Madaxweynenimada Xisbiga Kulmiye u tartamidoona Doorashada soo socda, waxaanu Muuse Biixi isana sameystay Xulafo ay ku jiraan wasiiro Xukumada Siilaanyo ah, isla markana uu ugu cadcad yahay Wasiirka Duulista iyo hawda Maxamuud Xaashi Cabdi, Muuse Biixi ayaa Maxamuud Xaashi u Balanqaaday in uu Noqondoono Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo uu kursigiisa ku wareejindoono haddii uu ku guuleysto  in uu noqdo Murashax Madaxweynenimada.

Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Wakhtigan aan ka mid ahyn  Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaguna dhawaan ku dhawaaqay hankiisa, isaga oo sheegay in uu u sharaxan yahay Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye, Cabdicasiis ayaa isaguna Xulafo adag ku leh Xukumada Siilaanyo iyo Xisbiga Dhexdiisaba waxaanu isaguna waddaa  Oloole balaadhan oo ugu jiraa sidii uu ugu soo Bixilahaa Musharaxnimada Xisbigaasi, Samaale ayaa ah Siyaasi  dadka si Fudud u Kasbankara.

Dhanka kale iyaguna waxa Jira Siyaasiyiin Baddan oo uu ku jiro Hanka Madaxtinimadu kuwaasi oo iyaguna hoosta ka wadda oloole ay ku doonayaan in ay Musharixiin ku noqdaan.

Si kastaba ahaadee Qaar ka mid ah Cuulimada Somaliland ayaa iyaguna Dareen Digtooni ah ka Bixiyey Oloolaha kursi kala riixadka kulmiye Dhexdiisa ka jira, inaanu Dalka Khalkhal gelin.

 

source: Waaheenhayaay

News Related