Published:

Waxaanu si taxane ah akhristayaasha ugu soo gudbina doona  dabeecadaha ay khubarada cilmigu bulshadu sheegeen in lagu garan karo qof kasta iyada oo la eegayo xarafka koowaad ee uu magaciisu ka bilowdo. Haddaba anagoo tixgelinaya akhristayaal xiisaynaya inay ogaadan magacyadooda iyo waxay daaran yihiin, ayaanu si taxana idinku  kaga soo  gudbin  doona shabagada Haldoor news.com waana Qaybtii 6aad 

Xarafkaka Q:

Niifiin Abu Shaallah oo qoraalkeeda la xidhiidhay xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka magaca qofka ugu horreeya iyo shakhsiyaddiisa ayaa iyada oo la hadlaysa qofka magaciisu ka bilowdo xarafka Q waxa ay ku tidhi, “Hab-dhaqankaaga iyo dabeecaddaada oo aad u fiican ayaa soo jiita dadka kugu xeeran. Waxa aad tahay shakhsi shaqada iyo wax-qabashada xariif ku ah oo aan surma seegto lagu aqoonin. Dhoolla caddayntaada badanayaana sabab u ah in dadku ay ku jeclaadaan”

Xeeldheerayaal kale oo iyaguna ka halday shakhsiyadda qofkan magaciisu Q ka bilowday ayaa ku sheegay ruux aan lagu aqoonin in hawsha uu qabanayo uu si xiise ka muuqdo u galo iyo in uu ku negaado midna. Laakiin haddana waa ruux lagu og yahay tamar badan oo dhinaca xarakaadka ah, sidaa awgeed dad badan ayaanay u suurtogelin in ay shaqada iyo hawlaha kula tartamaan ama soo gaadhaan heerka uu joogo.

Marka ay jacayl noqoto waa ruux  xamaasad badan, wanaaggiisana waxaa ka mid  ah in dadka uu xidhiidhka la yeelanayo nooc kasta oo uu yahayba uu ku doorto akhlaaq iyo mabda’.

Xarafkani magaca uu ku jiro waxa uu u sameeyaa dhadhan aan caadi ahayn oo nololeed. Waxa lagu arkaa waxooga fikir xagga dhaqaalaha ah, waxa aanu yaqaannaa habab aad u fara badan oo uu ula qabsan karo nolosha iyo is bed-beddelkeeda, waa xaraf lagu yaqaan in uu aaminsan yahay in Xoogga iyo Awoodda jidheed  ay aassaas u yihiin nolosha (In Xooggiisa iyo dhismaha jidhkiisu ay fure u noqonayaan nolosha iyo wanaageeda ama sharafteeda).

Ceebta ugu weyn ee xarafkani waa in uu aad ugu badan yihiin dhac-dhaca iyo gafafku. Laakiin ma’aha dembiyo ama gefef wax burburinaya oo aanay suuro gelayn wax ka qabashadoodu. Waxa uu ina tusayaa xarafkani Qof xor ah oo aanu xidhin is-bedbeddelka noloshu

News Related