Published:

Saaxiibku waa lagama maarmaan inta aynu nool nahay, inaad saaxiib heshaana waxa ay ku xidhan tahay badiyaaba shakhsiyadaada, sidoo kale waa in uu qofku si fiican u fiiriyaa cida uu saaxiib ka dhiganayo, waayo isaga ayaa marna jannada kugu leexiya marna cadabta kuu jiita. Ilaahay ayaaba quraankiisa ku sheegay suuratul furqaan aayada 26 ila 29:

quran1-Optimized

Marka saaxiibku maaha wax la yareesan karo. Sidaa awgeed qurbo.net waxa ay idiin soo gudbinaysaa su’aalahan muhiimka ah ee sidii aad saaxiibadu iskuma jiraane saaxiib fiican u heli lahayd, halkaad ka heli lahayd iyo sababaha aad ku garanayso inuu saaxiibku fiican yahay iyo in kale.

Maxaa laba qof iskugu keena kana dhiga saaxibo aad iskugu wanaagsan?
Wax ay wada xiisayaan: markay jirto dan guud ama xiiso guud aad qof kale la xiisaynaysid sida kubada cagta, filim, heeso, ama activity kale waxa dhalin doonta inaad wakhti wadaagtaan adinko qabanaya wax aad xiisaynaysan.
Taariikh midaysa: xusuusta dheer iyo waayaha dhibaatada badan ee labada qof soo wada mareen ayaa xidhiidhka saaxibtimo adkeeya.

Mabaadi midaysan: inkasto aanay ahayn baahi qasab ah laakin markay aanay kala duwanayan mabaadi’du ama isku mid yihiin aadbay u xoojisa xidhiidhka saaxibtimo.

Sinaansho: labada saaxibo midkood markay baahidiisu badato waxay dareen galinaysa inu saaxibka kale kaa maarmi karo. Waa inay laba qof ka dhexeeysa sinaansho ee labaduba isku baahan yihiin.

Waa maxay sifaadka qofka ka dhigaya saaxiib dhab ah?

Farxadaadu ku farxa dhibaatoyinkaagana wu ka xumaada.

Kuma xidhiidh gooynayo markaad is khilaaftaan.

Waa qofka aad si xadka ka baxsan ugu kalsoontahay.

Si joogto ah ayu kugu la soo xidhiidha.

Waa qofka markasta taageeri kugula garab taagan, sharaftaadana ilaaliya markay dadku ku xantaan.

Sideed u soo jiidan lahayd saaxibka wanaagsan?

Gandhi ayaa idhi “Be the change you wish to see in the world” oo ka dhigan noqo isbedelka aad doonaysid inaad ku aragtid aduunka. Markaa waxan ku leeyahay sii noqo saaxiibka aad doonaysid inaad yeelato, waxaan uga jeeda yeelo sifaadka aad ka doonaysid inu saaxiibka yeesho. Waxa xaqiiq ah inay isasoo jiitaan dadka isku sifaadka ah. Ha isku yeelin sifaad aad isleedahay dadka kale ayaa jeclaan, naftaada daacad u noqo cidna ha iska dhaadhicin.

Siyaabaha aad saaxiib wanaagsan u yeelan lahayd?

Xoogaha wakhti ah la wadaag dadka aad isku meel ka shaqaysan ama isku meel ka dhigataan ama aad isku meel maalinkasta iskugu timaadaan.

La sheekayso dadka aad mar kasta is aragtaan.

Ku biir naadiyada la iskugu imaado sida ciyaaraha, naadiyada wax akhriska ah, ama kuwa kale aad aragtid.

Telephone ka garaac ama fariino u dhig dadka cusub aad la kulantay adigoo xaalkooda ka wareeysanaya.

Diyaar u noqo inaad ka dhagaysatid markay doonayaan inay dhibaato ay maryaan kaala hadlaan.

Noqo qof furfuran oo dhoola cadayn badan. Si diiran dadka aad maalinkasta la kulantid ula hadal oo soo dhawee.

La soco waxyaabay kaa ag socda kana qayb gal oo caawi saxiibka.

News Related