Published:

Hadaba, cuntadan hoos ku xusan ayaa yareysa waxa sababa inaad wajigaada da’daada laga dareemo, waxey ka dhigta qof ka yar da’daada oo dhalinyaranimo kugu zaa’idisa.

Bataata Macaan (Sweet Potatoes)


Bataata macaan waxey ka celisa in korka wax u dhimo qoraxda waxaxa laga helaa Vitamin C kasoo qof yar ka dhiga jirkaga.

Galey (Corn)

2
Galeyda ma aha oo kaliya iney jirka qurxiso waxey kaloo difaacda cudurka kansarka inuu jirkaga ku faafo.

Afakaadho (Avocado)

3

Maadooyin iyo fiitamiin ‘Vitamin’ laga helo afakaadhada ayaa jirkaga caafimaadkiisa u fiican, waxey kaloo difaacda halista wadna xanuunka.

Toon (Garlic)

4

Toonta waxey hoos u dhinta unugyada baruurta badiya ‘cholesterol’ iyo dhiig karka ‘blood pressure’.

Cambuulo (Beans)

5

Wadnahaaga oo caafimaad hela waxey u fiicantahey jirkaga dhami oo si wanaagsan u shaqeeya, hadaba cambuulada waxa laga hela maadooyinka birta ‘iron’ iyo fiitamin D oo ziyaadiya caafimaadka.

Shukulaatada madow (Dark Chocolate)

6

Wa run ilkaha waa u darantahey balse waxey waxtar u leedahey jirka, waxey ka difaacda waxyeelada qoraxda sidoo kale waxey dhinta laalaabka jirka oo da’da sababto ayadoo jirka qoyaan u yeesha.

Qajaar, khiyaar (Cucumber)

7

Sida shukulaatada oo kale ayuu jirka ka ilaaliya laalabka.

Karooto (Carrots)

8

Karootada waxey waxtar u leedahey lafta madaxa iyo timaha, sidoo kale waxey caawisa aragtida.

Loos (Nuts)

9

Looska wuxu dayac-tira unugyada jirka sidoo kale difaaca jirka.

Cranberry*

10

Casiirka cranberry waxuu ka diifaca ilkaha iney bololaan ama cadaanka iska badalaan. Ogow ilkaha cad waxey dheeli tiraan quruxda bi’ni aadamka.

Canab Guduud (Red Grapes)

11

Canabka gaduudan wuxu ka hor taga in dhiiga fariisto, baruurta, iyo dhiig karka.

News Related