Published:

hkjhsdgSida warbaahinta soomaaliyeed qaarkood sheegayaan waxa  ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya shir ay wadajir u guddominayaan Madaxweynha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay. Shirkan oo loogu magacdarey High Level Partners Forum ayaa lagu wada in lagu lafaguro qaabka doorashada 2016 u dhici doonto iyo shaxda lagu qeybsan doono kuraasta Golaha Wakiilada  federaalka ee la filaayo in la doorto dabayaaqada sanadka 2016.

Shirka maanta furmaya ayaa yimi kadib markii dhowr bilood ka hor Wakiilka Qaramada Midoobay, Nicholas Kay cadeeyay in doorasho hal qof hal cod ayna dhici Karin sanadka 2016 sidii hore u qoondeysneyd maadama ayna wali dhameystirmin howlihii iyo hay’adihii laga maarmaanka u ahaa doorasho xalaaal ah.

Golaha Wakiilaka Federaalka Soomaaliya ayaa isna fadhigiisi shaley 28-07-2015) ku ansixiyey dhowr qodob oo arrintaas ku saabsan. Waxaana qodobadaas ka mid ahaa in maadama ayna doorasho hal qof hal cod dhici karin 2016, Golaha Shaci Dejintu wuxuu isku raacay in qaabka doorshada 2016 u dhaceyso ku timaado wada-tashi ay yeeshaan Dawlada Federaalka, Dawlad Goboleedyada, Maamulada KMG iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Hadaba sida Saraakiisha ku hawlan qaban qaabada Shirka High Level Partners Forum qaarkood Gabileynewsonline u sheegeen, shaxda kuraasta Wakiilada Federaalka lagu qaybsan doona ayaa, haddii ay hirgasho dhaawac aan laga soo kaban karin u keeni doonta Qaranimada Somaliland. Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in shaxdan salka ku heyso tirakoobkii mala-awaalka ahaa ee Qaramada Midoobay ka qabatey dhamaan deegaanda wixii la isku odhan jirey Jamhuriyaddii Soomaaliya iyo 18-kii Gobol ee jirey 1991, tiiyo Dawlada Somaliland ka qeyb qaadatey hirgelinta tirakoobka. Awooda xulasha Wakiilada Federaalka 2016 ayaa la filayaa in ay yeeshan Dawlad Gobolleydyada iyo Maamulada KMG tiiyo Soomaaliya loo qeybiyey haatan 5 Dawlad Gobolleed iyo 4 Maamul KMG. 5-ta Dawlad Goboleed, 4-ta Maamul Goboleed iyo Kuraasta Wakiilada Federaalka ayaa lagu sheegey in ay noqon doonaan:

1.Dawlada Goboleedka Somaliland(Waqooyi Galbeed,Togdheer iyo Sanaag Galbeed), kuraasta 49.

2. Dawlad Goboleedka Puntland(Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug), kuraasta 31

3. Dawlada Goboleedka Galmudug( Koonfurta Mudug iyo Galgaduud), kuraasta 23

4. Dawlada Goboleedka Koonfur Galbeed( Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool), kuraasta 53

5. Dawlad Goboleedka Jubbaland(Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose), kuraasta 30

Maamulada KMG ayaa iyaguna ah:

1.Maamulka KMG Banaadir, kuraasta 37

2.Maamulka KMG Hiiraan/Shabeelada Dhexe, kuraasta 23

3.Maamulka KMG Khaatumo/Maakhir(Sool, Buhoodle iyo Sanaag Bari, Kuraasta 11

4.Maamulka KMG Awdal Stade(Awdal), kuraasta 15     

 

Si kastaba ha ahaatee, haddi qorshaayaashan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay ka soo maleegayaan Madaxtooyada Soomaliya hirgalo ayaan la dhayalsan karin khatarah Siyaasadeed ay xambaarsan yihiin. Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada Mucaarika oo u xil saaran ilaalinta himilada fog ee bulshada kama muuqato foojignaatii iyo hwalihii laga hortegi lahaa Shirqoolada Siyaasadeed ee inagu soo foodle, waxaana la mooda in Siyaasiyiintii wadanka hagi lahaa  gabeen hawshoodi.

haldoornews.com

haldoornews@hotmail.com

News Related