|
|||
Gabileynewsonline.com
Siciid Qulumbe Oo Galay Fadeexad Uu Ingiriiska Kaga Mutaysan Karo In La Xidho
July 9, 2015 - Written by adminSaxaafada qaarkeed ayaa beryahan dambe qoreysay warar dhiilo leh oo ka soo yeedhaya kooxda sharci darrada ah ee la baxday madasha wadatashiga iyo xisbiga Wadani oo uu weheliyo UCID oo ay u adeegsanayaan warbaahinta u raxlaynaysa Waddani. Siciid Qulume oo ka tirsan kooxda siyaasadda ku fashilantay ee madasha ayaa London waxa uu afkiisa ka sheegay in ay gudbiyeen wasaaradda daakhiliga Ingiriiska sidii dacwad maxkamadeed loola tiigsan lahaa xubno dawladda Somaliland ah oo ay ku sumcad xumaynayaan sidii oo uu yahay daakhiliga Ingiriisku maxkamad sharci ah oo kale. Mr Qulumbe dadka uu bartilmaameedsadey ayaa sida ku cad qoraalkiisa ah guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, waliilka dhawaan loo magacaabey UAE, Baashe Cawil, iyo marwada koowaad Aamina Maxamed Jirde. Mr. Qulumbe oo u heelan inuu taageero hoggaamiyaha ay isku beesha yihiin ee xisbiga Waddani ayaa sameeyay beentii qarniga. Waxa uu ninkaasi ku sawirmay oo uu kasbaday fadeexad aad u fool xun oo uu ku geli karo jeel. Sida ku cad warbixinta ninkaas waxa uu adeegsadey sawirro rag ay ka wada tirsan yihiin xafiiska London ee SORAG oo uu ka mid yahay Gordon Bentley. Raggaasi midna kama shaqeeyo weligiina kama shaqeyn wasaarada daakhiliga. Xitaa goobta ka muuqata sawirka ma aha xaruntii daakhiliga. Ninkan ayaa adeegsadey warbaahin bilaa sumcad ah oo halkii ay wax ka xaqiijin lahayd marka hore doorbideysa in ay wax iska qorto ama baahiso. Waxba ma tarayso, laakiin waxay ina xusuusinaysa dhacdadii 2004 ee lagu daabacay Wargeyska Sunday Mirror taasi oo lagu eedeeyay mr Qulumbe inuu lunsaday lacag deeq ahayd Mr. Qulumbe bixinta cashuurta alaabtii gargaarka ahayd ee loo diray Isbitaalka guud iyo kan dadka waalan Burco. Maahmaah Ingriisa ayaa tidhaa “ Tuug waa tuug haddii uu xado dheeman ama wax yarba.” Bulshada oo been lagu jahawareeriyo ma noqonayso aargoosi siyaasadeed , xaqiiqdii sidaasi si la mid ayay isugu deyayaan inay ku faafiyaan dawladaha iyo saraakiisha fulinta sharciga ee adduunka in xuquuqdii muwaadinka meel lagaga dhacay. Hana Barkhad hana.barkhad@gmail.com
COMMENTS
|
Latest News
|