Published:

Hargaysa (haldoornews)-Siyaasiga Cali Yuusuf ‘Cali-guary’ oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka 3-aad Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa meesha ka saaray in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland,waxaana uu intaas raaciyay inuu yahay oo kali ah Suldaanka Beelaha Ciiddagle sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan: “Suldan Maxamed yaa ku yidhi waxad tahay Suldanka Somaliland awal miyaanu Suldanka Ciidagale ahayn Somaliland waa dal ee ma reer buu u haystaa loo suldaan noqdo. Waxaynu maqli mid isna sheegta Suldaanka Somaliland iyo Somalia ama Suldaanka shanta Soomaaliyeed”. Ayuu yidhi Cali-guray.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili wuu maalintii shalay isna ka hadlay arintan Suldaan Xasan oo ah Suldaanka Beelaha Habar Awal ,waxaana is-soo tarayaa fal-celinta ka imanaysa qeybaha Bulshadda ee ay kaga hadlayaan eeddaha Cali-1024x887Cali-1024x887 Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

News Related