Published:

Afhayeen salaadiinta dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka qayb-galay shirkii Guddida Bilicda Caasimada ayaa sheegay in hay’adaha caalamiga ahi aanay wax la taaban karin dalka ka qaban sidaas daraadeedna ay habboon tahay in lala xisaabtamo.

Suldaanku wuxu sheegay in hay’adaha khayriga ah ee Islaamku ay ka waxtar badan yihiin kuwa caalamiga ah isaga oo tusaale u soo qaatay dugsiga agoomaha ee Kuwaydiga oo uu ku macneeyey waxqabada la taaban karo.

Suldaanku wuxu hay’adaha caalamiga ah ku cannaantay in ay ku mashquuleen siminaaro iyo saambuuse ay da’yarta u qaybiyaan laakiin aanay waxqabadkii looga baahnaa weli la iman.

Suldaan Xiiray wuxu culimada Somaliland ugu baaqay in ay masaajiddada kaga hadlaan wax-qabad la’aanta hay’daha caalamiga ah xukuumaddana wuxu u soo jeediyey in ay sida ugu dhakhsaha badan u daba-gasho isla markaana ula xisaabtanto.

Suldaanku wuxu hadalkiisa ku soo af-meeray in hay’adaha caalamiga ah looga fadhiyo wax-ka-qabadka horumarka.

Waxa Somaliland ku sugan in ka badan 100 hay’adood oo isugu jira kuwa UN-ka iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

Bandhige

News Related