Published:

Hargeysa() :-Inta la ogyahay saddex wariye oo ka hawl-gala magaalada Hargeysa iyo laba mas’uul oo ka tirsan garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee Ucid, ayaa ay ciidamada boolisku u taxaabeen xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa.

Saddexdan wariye oo kala wariye Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdillaahi oo ka hawl-gala mareegta wararka ee Togaherer iyo Labada wariye ee Khadar Macalin Deeq iyo Nagiib Dalmar oo iyaguna ka hawl-gala Talefeeshanka Bulsho, ayaa ay ciidamada boolisku xidheen iyaga oo si caadi ah u gudanaaya shaqadooda, waxaana laga qabtay agagaarka Maxkamadda sare xili ay halkaas socdaal lug ah ku marayeen madaxda xisbiyada mucaaradka oo ku sii socday Maxkamadda sare.

Dhanka kale mas’uuliyiinta iyagana laga xidhay xisbiga Ucid oo kala ah Axmed Xasan Cilmi oo ka tirsan garabka dhallinyarada xisbiga Ucid iyo Foosiya Cismaan Axmed oo iyaduna ka tirsan garabkah haweenka ee xisbigaas, ayaa iyagana laga qabtay socdaal ay ku wehelinayeen mas’uuliyiintooda oo ku sii jeeday Maxkamadda sare.

Illaa hada lama oga sababta keentay xadhiga saddexdan wariye iyo labadan mas’uul ee ka tirsan xisbiga Ucid, waxaana xoghayaha warfaafinta xisbigaas Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo aanu xidhiidh la samaynay  noo xaqiijiyey in hada la soo daayey mas’uuliyiintan ka tirsan xisbigooda, balse illaa hada lama sii dayn saddexda wariye.

Saaka subaxnimaddii hore ayey ahayd markii xoghaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga Waddani ay ciidamada boolisku u taxaabeen xarunta C.I.D-da, isaga oo gudanaya hawlahiisa shaqo, waxaana ay tallaabooyinkani ka danbeeyeen ka dib markii ay xukuumaddu xisbiyada mucaaradka ah u diiday in ay shir talo-qaran ah oo ay ku dhawaaqeen ay ku qabsadaan hoteelada dalka, lamina oga ilaa sida xaalku ku danbeyn doono.

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

 

News Related