|
|||
Gabileynewsonline.com
War-Saxaafadeed: Madaxweyne Silaanyo Oo Magacaabay Wasiir Ku xigeenka Cusub Ee Khaarajiga, midna Bedalay
July 1, 2015 - Written by adminMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) u magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku xigeenka cusub ee wasaaradda Khaarajiga, halka uu Wasiir Ku xigeenkii hore ee wasaaradaasna u bedalay wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
COMMENTS
|
Latest News
|