Published:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday hay’ad samafal oo Turki ah, kuwaasi oo booqasho ku yimid caasimadda dalka ee Hargaysa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa masuuliyiinta ka socday hay’adaasi waxa uu uga warramay halka ay Somaliland marayso iyo meelaha u baahan in gacan samafal laga geysto, sida dadka danyarta ah ee u baahan in noloshoodda kor loo soo qaado gaar ahaana caawinta xarumaha Agoomaha iyo meelo kale.

Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka Sekedda ee Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax, oo markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in wasiirka madaxtooyada iyo masuuliyiinta ka socday hay’adaasi Samafal ee Turkiga ah.

Waxaanu sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay hay’addu gacan samafal uga gaysan lahaayeen baahiyaha nolosha dadka danyarta ah, taasi oo uu sheegay sheikh Siciid in u jeedadda ay masuuliyiinta hay’adaasi u yimaadeen ay tahay caawinta dadka jilicsan ee ku nool magaalooyinka Somaliland, isla ay sidaan raashin ay ugu tallo galeen dadka danyarta ah, kaasi oo maalmaha soo socda loo qaybin doono dadka jilicsan.

Waxaanu yidhi “Masuuliyiintani ka socda hay’adda Samofal ee dalka Turkiga waxay Somaliland u yimaadeen in ay caawiyaan dadka saboolka ah, gacanna ka gaystaan kor u qaadista noloshooda taasi oo ay wadayaan mustaqbalka, wax tarna ka geysanayaan nolosha dadka danyarta ah iyo kuwa saboolka ah”.

Dhinaca kale masuuliyiinta ka socday hay’adaasi Samafalka ee Turkiga ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashadda ay ku yimaadeen Somaliland, isla markaana ay bulshadda danyarta ah ee taageeradda u baahan caawimooyin soo gaadhsiin doonaan.

News Related