Published:

“Baashe Cawil Waa Nin Mutacalin ah In Xil Loo Magacaabana Kama Hor istaagayso reerka uu ka Qabo” Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay eedaymaha xisbiyadda mucaridka u soo jeediyeen oo ay ku dhaliileen itijaaha siyaasadda dibadda.

“Waxa nasiib darro ah in dad faro badan oo aan aqoon u lahayn ama ka war hayn waxa ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamada jaarka la ah dadku waxa ay ka hadlaan waxyaabo aanay xogogaal u ahayn waxa ay iila muuqataa labadaa wadan ee aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti oo imika aan ka imid oo aan la soo kulmay madaxdoodii oo si xoogle laygu soo dhaweeyay labada wadan waxa naga dhaxeeya cilaaqaad siyaasiya, mid nabadgalyo iyo dhaqaalaha la xidhiidha khaasatan Itoobiya waxa aan la saxeexanay in la dhiso jidka u dhaxeeya Togwajaale illaa Berbera,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo smaanta u waramay warbaahinta qaranka.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu ka qayb- galay shir ay shirkaddo dalka China ahi soo agaasimeen oo ay ku danaynayaan sidii ay u maal-gashan lahaayeen dalka waxaana uu yidhi “Waxa aan ka qayb-galay shir ay nagu casuumeen boqol iyo afartan Shirkadood oo ah kuwa ugu waaweyn dalka China oo danaynaya sidii ay u maalgashan lahaayeen dalka. Waxa wada hawshaa oo igala shaqaynayay Wasiirka ganacsiga ee Jabuuti iyo Wasiirka ganacsiga ee Itoobiya oo labaduba joogay oo China u sameeyeen wadamadooda laydhka, biyaha, jidka iyo tareenka. Markaa waxa aan qabaa cilaaqaadka aan la leenahay labada wadan maalin uu ka xoog weyn yahay a aanay jirin.”

Wasiir Biixi oo la weydiiyay sida uu u arko magacaabista safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta loo magacaabay Baashe Cawil, waxaanu yidhi “Baashe Cawil waa muwaadin xaq u leh in la magacaabo, waa nin mutacalin ah oo master degree sita, kana soo baxay Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Ingiriiska oo cilmi iyo aqoonba leh. Waxaanan qabaa inuu u qalmo mas’uuliyadaa loo dhiibay qof kastoo muwaadin ah oo Somaliland u dhashay xaq buu u leeyahay mas’uuliyadda uu ka soo bixi karo in loo magacaabo. qofna xaqiisa laguma duudsiyi karo reer hebel ayuu ka qabaa iyo cidan ayaa dhashay reer sharaf leh ayuu la xidid yahay oo innnaga mudan ixtiraam oo ah reer aynu ku faanno.”

News Related