Published:

Khalad fahankii ugu weynaa abid ayey ku sugan yihiin dhallinyarada ku qabtay hotel Mansoor (Magaalada Hargeysa) mudaharaadka silmiga ah ee ka dhanka ah guurka qaaliyoobay. Waxay qaarkood ku doodayaan “STILL I AM SINGLE” lkn anigu waxan aamin sanahay in aanay SINGLE ahayn ee uu nin walba u u sheekeeyo 10 dumar ah. Taasi waa qodob.
Qodobka labaad, Ninka guurdoonka ah ayay ku xidhan tahay in uu guurku qaali noqdo iyo in kale. Haddii uu ninku gabadha xariif iskaga dhigo, oo uu gaadhi ugu yimado mrky kulmayaan isaga oo hadda xayraan ah, oo uu kolba meel u casho geeyo, oo uu yidhaahdo 20 shaqo ayan ka shaqeeyaa 20 kun oo dollar na uu I soo gala, ninkaasi ha ogaado in uu isagu guurka isku qaaliyeeyay, waayo gabadhii waxay ka filanaysaa wax weyn. Lkn haddii uu runta u sheego o u yidhaahdo lacagi wey iska iman lkn biilkayga waa ka adagahay, waan hubaa GABADH DIIDAYSAA MA JIRTO. Markaa ninna kamuu waayeen 10 ka hablood ee uu u sheekeeyo mid waaqica la fahanta.
Qodobka saddexaad, de waxa muhiim ah in uu ninku biilka guriga ka adag yahay. Isaga oo xayraan ah o isagii la biilinayo, haddi u yidhaahdo gabadh bn gursanayaa, dee ma ciidda ayuu cunsiiyaa…waa khalad fahan aad u weyn.
Qodobka afraad, waxaa sabab u noqday in uu guurku kharash badan ku baxo waa iyada oo aan la fahan sanayn aqoonta guurka loo leeyahay rag iyo dumarba. Haddii u qof walba guurka iyo faa’idoyinkiisa aqoon u leeyahay lacagba may baxdeen ee laba laba aya la isku wada raaci lahaa. Sidaa daraadeed, si aanuu guurka kharash badan ugu bixin, aqoon ha loo yeesho haasaawaha, jacaylka, guurka iyo xulashada lammanaha.
Qodobka shanaad, Soomaalida kale inta badan guurka kharash badan kagama baxo, laakiin dadka keliya ee uu kharash badan guurku kaga baxaa waa Soomaalida dagta Soomaalilaand, gaar ahaan: Hargeysa. Sababtu wax kale maaha, ee waa iyada oo ay ragga badankoodu u fahmeen in sida keliya ee gabadh lagu hanan karaa ay tahay in la tusiyo lacag, iyo weliba iyaga oo daliishanayaa maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd “Gabadha beenna ku soo xero geli, ruuna ku dhaq!”.
Isku soo wada duub’o, dumarka Soomaalidu waxay ka siman yihiin in ay helaan nin lacag leh oo u iibiya wax kasta oo ay u baahdaan ammaba u dhiga aroosyada cajiibka ah, laakiin ninka ayay ku xidhan tahay. Haddii uu ninku uu lacag haysto ma xuma, laakiin haddii aanu shilin haysan, balse uu xariif iska dhigo in uu lacag leeyahay waata ugu daran, waayo hadhow ayuu fashilmayaa.
Taladaydu waxay tahay: Wiil iyo gabadh haddii ay is fahmaan, weliba ay isla fahmaan waaqica nololeed ee aynu ku noollahay, kharash badaniba kuma baxo guurkooda.
Allaa Mahad Leh
Axmed Cali Diiriye
axmadiya@gmail.com1

News Related