Published:

Taliyaha guud ee booliska Somaliland, sarreeye guurto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa beeniyay warar lagu baahiyay bog facebook ah, kaasi oo lagu sheegay in Somaliland hub caawimo ah ka heshay wadanka Imaaraadka carabta.

Bog facebook ah oo ku hadla afka taliyaha booliska oo lagu qoray Ciidanka Police-ka Somaliland ayaa tiraba dhawr jeer Jimcihii soo dhigay sawirro iyo qoraalu lagu sheegayo in Somaliland saanad ciidan ka heshay dawladda Imaaraadka, wararkaasi oo ay baahiyeen shabakaddaha wararku. Sawirrada ayaa ahaa Saanad ciidan oo Imaaraadku hore ugu wareejiyay Xamar iyo Kismayo.

“Waxaan markale ku celinayaa Facebook aan leeyahay oo aan isticmaalo habayaraate ma jiro,sidaa daradeed, waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war hayaan. Wararka lagu baahiyay Shabakadaha Wararku waa been abuur oo wax sal iyo raad toona laha” ayuu yidhi caawa Taliye Fadal oo la soo xidhiidhay Shabakada wararka ee Hayaannews.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cida isticmaasha aanan garanayn, sidaa daradeed waxaan u sheegayaa cida magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameynayaan oo ay ILAAHAY Ka baqdaan”.

screenshot-www.facebook.com-2015-07-04-09-03-11-300x195

Taliye Fadal waa markii labaad ee uu beeniyo warar lagu baahiyay bartan facebook ee ku hadla afkiisa oo aan wali la aqoonsan cidda isticmaasha. Sidoo Kale, Waxa iyaguna ka cawday Baraha bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo Beeniyay inay leeyihiin Facebook oo ku tilmaamay inay dad sumcada ka dilayaa inay magacooda isticmaalayaan.

News Related