|
|||
Gabileynewsonline.com
Xildhibaan Bukhaari Oo WADDANI Ku Eedeeyay Inay U Adeegayaan Dawladdo Shisheeye
July 8, 2015 - Written by admin“Waxaan u Sheegaynaa Mucaaridka In Aanay Somaliland ku Iman Faro-gelin Shisheeye, Umana Baahnin Imikana” Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaar), oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo eedaymo been abuur ah u soo jeediyay xukuumadda. Waxaanu tilmaamay in xisbiga WADDANI ay ujeedadiisu tahay in uu Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye, sida maamulka Xamar oo kale. waxaanu sheegay in qaranimada Somaliland aanay ku iman farogalin shisheeye. Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramay DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Waddani xidhiidh la leeyahay dawlada Xamar ee dalka Somalia, isla markaana uu doonayo in faro-gelin dibadeed lagu sameeyo Somaliland.isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaa uu yidhi xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI xoog ha la nagu soo dhex-galo aniga iyo bulshadda Somaliland, waxay u arkaysaa in xisbiga WADDANI ay tahay ujeedadiisu in Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye oo sida Xamar oo kale dusha laynaga qabsado. horena waan u sheegay fikirka Waddani waxa uu u eeg yahay shaqada Xamar ka socota, waanay wada socdaan”. “Markaa waxaan u sheegaynaa mucaaridka in aanay Somaliland ku iman farogalin shisheeye, umana baahnaanin, una baahnaan doonin. Ninka doonayaa in shisheeye yimaado dalka, halkaa shisheeyuhu joogo ha ugu tago, halkaas ayuu rabaaye ayaan leeyaay. Somaliland, iyadaa isku tashatay waxa ay ku badbaadayna waa farogalin la’aanta markaa waxa arrintaa u arkaa in xisbiga Waddani dhaawc u keenayso waxaana ay moodayaan waxa ay qabaan in dadku wada qabo qolada muaaradku oo ah in Xamar aynu u eekaano” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari. Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, waxa uu intaasi ku daray in aan qaranimadda Somaliland looga baaqan xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo. isagoo xusay in warka la sheegay in shebadda Waikiki’s in ay baahisay uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana uu warkaasi yahay mid been abuur ah.
COMMENTS
|
Latest News
|